Wada-shaqaynta Dawladda iyo Guddida Wanaag Farista oo Dib u Bilowday

0
978

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa shaaca ka qaaday in ay soo afjareen khilaaf in muddo ah u dhaxeeyey guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista , waxaana madasha si ku meel gaadh ah loogu doortay guddi ku meel gaadha oo shaqayn doona muddo hal sanno ah.

Wasiirka Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa sheegay in ay kalsooni buuxda ku qaban guddida cusub ee wanaag farista iyo xumaan reebista, waxaanu sheegay in dawlad ahaan ay la shaqaynayaan “Saacadda laga bilaabo aniga oo aad ugu kalsoon gudidaasi cusub Illaaheyna uga baryaya inuu garab qabto waxaan leeyahay gudida wanaag farista iyo xumaan reebista haday tahay kuwa cusub ee la doortay waxaanu soo celiney wada shaqeyntii ka dawladd ahaana waanu la shaqeynaynaa aniga oo ka wakiila madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi” ayuu yidhi

Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa sheegay in dalku dalal badan dheer yahay guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista , waxana uu yidhi “Halkan waxaa fadhiyab culimo badhkoodna waa ay maqan yihiin 18-sanno ayaa ka soo wareegay maalintii aynu bilownay gugdida wanaag farista iyo xumaan reebista wax badan ayaaney tartay waana hay’adda ugu qiimaha badan ee diiniga ah ee wadankeenan ka jirta, koonkana wadanka kaliya ee ay ka jirtaa waa Somaliland, Illaaheybana mahad iska leh waana wixii bulshada xumaanta lagaga nadiifinayay hadii aan la sameysan oo xumaantu soo daahirtana ummaduhu waxaa ay halis ugu jiraan inay cadaabi ku dhacdo”

Sheekh Maxamed Aadan oo ah imaamka Masaajidka Cali Mataan ayaa ka hadlay qorshayaal ay guddigu soo kordhisay waxana uu yidhi “Gobolka Marroodijeex sida goboladii kale ee dalka ayaanu ka dhigeynaa xafiiskii wadanka oo dhan isku xidhayayna mid gaara ayaanu ka dhigney, qodobkaasina waa mid aanu soo kordhiney waxaa kale oo aanu sameynay golaha marjiciyadda waana culimaddii dalka waxaa aanu ku qeexnay hawshooda si aanan ugarab cararin gudida shaqeynaysa oo aaney u iman dhibaato iyo iska hor imaad xeerka ayaanu ku cadeynay sannad ku meel gaadha ayaanu gudi magacownay, sannadkaasina dib ayaa leysugu soo celinaya Amar-bil-macruufkii gobolka kuwii kale waa sidoodi ee gobolka Maroodijeex ayaanu ka hadlaynaa,

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply