Xukuumadda oo Digniin u Dirtay Cid Kasta oo Booliska Aflegaadaysa

0
561

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin adag u dirtay cid kasta oo booliska cay gef ah kula kacda, isla markaana warbaahinta cay u marisa ciidanka booliska iyo madaxdiisa.

Wasiir  ku  Xigeenka   Wasaarada Arrimaha   gudaha   Somaliland   Maxamed Muuse Diiriye waxa kale oo uu sheegay in ciidanka boolisku ay yihiin kuwa lagu hurdo ee dadka illaaliya ee hadh iyo habeenba u seexan waayay, una soo jeeda sugidda ammaanka dadka iyo dalka gudihiisa, loona baahan yahay in lala shaqeeyo oo aan laga caayin warbaahinta.

Waxa kale oo wasiir ku xigeenku waxba kama jiraan ku tilmaamay warar uu booliska ka sheegay wariye Cali Seenyo oo wasiirku ku eedeeyay in uu gef ka galay ciidanka booliska isla markaana ka been sheegay in loo diiday fiisaha dal ku galka. Halka wasiirku tilmaamay in loo diiday in ay muuqaalo ka duubtaan aataar ku duugan degmada Saylac oo uu ka mid yahay masjidka Qiblotaynka ah ee magaalada Saylac oo uu caddeeyay in  wariye Cali Seenyo uu doonayay in isaga oo aan fasax u haysan oo wata dad aan la garanayn waxay shaqadoodu tahay in ay halkaa muuqaalo ka duubtaan.

Wasiirka oo ugu horrayn ka hadlaya sida aanay xukuumaddu ugu dul qaadanayn in ciidamada kala duwan ee dalka in laga caayo warbaahinta, ayaa yidhi. “Guud ahaan  ciidamada  waa waxa dadku ku hurdaan   ee Nabadgalyada  ilaalinaya, gaar ahaan  Ciidanka  Boolisku  waa kuwa dadka isku haya ee   kala haya, waana kuwa ilaaliya nabada ee xuduudaha u   jooga  mana geyo ciidanka  Boolisku cay. Waxaanu leenahay gaf ayuu ka galay Ciidanka Booliska  Cali Seenyo, wax   loo dul  qaadan  karana  maaha, mana aqbalayno in ciidanka booliska la caayo.”

Wasiir ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyay “Taliyaha Ciidanka Booliska ninka caayay  waxa uu caayay Ciidanka Booliska. waxaanu  sitaa derajadii  madaxweynuhu siiyay    sida aan    shaadhka   Booliska  loo taaban karin  ayaan  dhaliil looga   sheegi Karin. Waana laga caban karaa Ciidanka Booliska waa bini aadam  laakiin lagama caayo warbaahinta”.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay ahayd  Cali Seenyo inuu soo maro hay’adaha u xil saaran masaajidka Qiblataynka. waxaanu yidhi “Haddii Barnaamij   Saab Tv duubanayo  wariyeyaasha Hargaysa joogaa in ay tagaan ayay ahayd  laakiin in la soo kaxaysto   dad aanaan garanayn waxay  u socdaan    in  Cali Seenyo fiise u soo qaato oo tiim soo kaxaysto may ahayn, cidda u xil saaran in laga fasax qaato ayay ahayd, waxaanay ahayd in loo yimaado masuuliyiintaa arintaas u xil saaran. waxaanay wadeen oo sawirayeen aasaar  cidda la socotay yay ahayd ma wariyeyaal ayay ahaayeen  ma Ganacsato ayay ahaayeen, sow may ahayn intay yimaadaan Hargaysa oo ay sheegtaan waxay doonayaan  fiisaha dal ku galka  looma diidin ee waxa loo diiday waxa laga duubayay Saylac”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply