Somaliland oo UN-ka u Gudbisay Dacwad Ka Dhan ah Soomaaliya

0
1137

Nairobi (Dawan)- Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa shalay daabacay qormo uu kaga hadlay dacwad ay dawladda Somaliland u gudbisay madaxa Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay Mr. Francisco Antonio Cortorreal, taasi oo ay Somaliland ku iftiimisay in Gaadiidka Millatari ee dalka Qatar ugu deeqday Soomaaliya uu burinayo qaraarkii Qarammada midoobay ee tirsigiisu ahaa 2444, kuna wajahnaa cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA , ayaa soo xigatay Warbixinta Daily Nation, oo lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay u aragto hub kasta oo la siiyo ama laga iibiyo Soomaaliya in uu ku dambeyn doono gacanta kooxaha argagixisada.

Wargeyska wuxuu intaas ku daray in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) uu dacwadiisa ku caddeeyey in hubka iyo Saanadda millatari ee la siiyo Soomaaliya ay khatar ku tahay Somaliland iyo dalalka jaarka ah sida Kenya.

Waxa kale oo Wasiir Faratoon xusay in hub kasta oo Soomaaliya hesho uu aakhirka gacanta u geli doono kooxaha argagixisada ah.

Booliska Kenya ayaa shan maalmood ka hor shaaciyey in Saddex qori oo ka mid ahaa Shantii qori ee lagu weeraray Huteelkii ku yaallay Nairobi hore looga iibiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply