“Maaha in Dadku Wada Siyaasi Noqdaan Talada Dalkana Cid ayaa Loo Igmaday” Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal

0
605

Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa u soo jeediyay shacabka Somaliland in ay garab istaagaan Xukuumadda uu gadhawadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay xildhibaanku in aanay suuragal ahayn in dadku wada siyaasi uu noqdo oo wada doono in laga wada taliyo waxa la qabanayo iyo waxa la yeelayo.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa yidhi “Waxaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku hambalyaynayaa sida wanaagsan ee uu u wado hawlaha qaranka ee loo igmaday, mana aha dadku in ay wada siyaasi noqdaan oo ay yidhaahdaan in sidaa la yeelo ayay ahayd, cid ayaana loo igmaday talada dalka. Waa in loo dabo fadhiisto madaxweynaha, waa la doortay, waana in la ixtiraamo, waana in aynu ku garab galnaa Madaxweynaha markaas ayuu Madaxweynuhu hawsha si wanaagsan inoogu qabanayaa.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhismaha dalku. Waxaanu yidhi “Dhawr iyo labaatankii sanno ee ay soo jirtay Somaliland maalin ba tallaabo ayaa la soo qaadayay, shan madaxweyne ayaa is bedelay, nin waliba meel ayuu soo gaadhsiiyay, guud ahaan dhismaha dalka meel fiican ayuu marayaa, hadday waddooyin tahay, wasaarado tahay, si wanaagsan ayaa loo dhisay waddanka. Dadkuna waa in ay noqdaan dad dawladooda ixtaaraamaya oo ka dambaynaya waana in la kala noqdo shacab iyo dawlad.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply