Xukuumadda Somaliland oo Daahfurtay Banaamijka Shaqo Qaran

0
609

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somalilad, ayaa si rasmi ah u daah furtay barnaamijka shaqo qaran oo ka mid ahaa ballan qaadyadii Madaxweynaha qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi uu bulshadiisa u ballan qaaday in uu qabanayo xilligii lagu jiray ololihii doorashada madaxtooyada.

Munaasibad barnaamijkan lagu daahfurayay oo ka qabsoomay Hoolka jaamacadda Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha shaqada iyo arrimaha bulshada, marwo Hinda Jaamac Xirsi, waxbarashada iyo sayniska Cismaan Jaamac Aadan, guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran Maxamuud Xuseen Mu’adinka iyo maamulka jaamacadda Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada ugu weyn ee laga lahaa barnaamijka shaqo qaran waxaaney tidhi “Ujeedada loo hindisay ee uu madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo danaha uu ka lahaa barnaamijka shaqo qaran waxaa ay aheyd, sababo badan, waxaana kow ka ah intiinaas oo hablood oo meel fadhiya, ee boqol iyo laba iyo labaatanka ah (122) intiina badani ma tihiin kuwo is garanaya, laakiin waxaad aheydeen aqoon-yahan gobolkan Marroodijeex kuwada nool, waxaaney kow ka aheyd in bulshadda reer Somaliland inay noqdaan kuwo isdhexgala, oo saaxiibbo yeesha aan aheyn inta ay guriga wada deggan yihiin, taasina waxay kow ka tahay in aynu kaga gudubno barnaamijka qabyaaladda, sidoo kale waxaa qayb ka ah in uu qofku aqoonsado wax naftiisa horumarin kara, taasi oo waxna ku heli karo waxna ku waayi karo, taasina ay keentay in bulshaweynta reer Somaliland ay u dareeraan goobaha waxbarashadda oo ay buug iyo qalin wada qaataan, qabyaaladuna aaney waxba wadeynin qofkuna uu aqoontiisa meel ku gaadhi karo”

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska mudane Cismaan Jaamac Aadan ayaa kula dardaarmay hablihii nasiibka u helay inay ka qayb qaataan barnaajika shaqo qaran in sida ay tahay uga soo baxaan waxaanu yidhi “Hablo aqoonyahanno ah kana soo baxay jaamacaddaha dalka, islamarkaana ku guuleystay kuna soo baxay nasiibna u helay inay ka qayb qaataan mashruucan barnaamijka shaqo qaran, dawladda hada joogta ee uu madaxda ka yahay mudane Muuse Biixi Cabdi, shaqo abuur ayuu dhalinyaradda u sameeyay, camal la’aantu waa ay fara badatay, tanina waa tii u horreysay, wiilal iyo gabdhaba shaqo abuurkan la idiin sameeyay waxaa leydinka rabaa in sida ay tahay aad uga soo baxdaan, duruusta aad baran doontaana wax walba waa ay isugu jirtaa, hase ahaate waxaa ugu muhiimsan qofka horumarkiisa iyo garashada uu garanayo inuu fahmo waxaa uu doonayo iyo waxaa laga doonayo.”

Guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran Maxamuud Xuseen Mu’adinka ayaa ka hadlay tiradda hablaha tartanka u galay barnaamijkan waxaanu yidhi “Hablaha barnaamijka shaqo qaran tartanka u galay waxaa ay ahaayeen shan boqol iyo dheeraad inaad noqotaan kuwii Barnaamijkan oo muddo saddex billood ah wax leydinku bari doono waa mid ka duwan wixii aad ku soo qaadateen jaamacadihii aad wax ka soo barateen, waana mid ku saabsan horumarinta nolosha bini’aadamka, iyo aqoonta dalkaaga iyo dadkaaga aad u leedahay, markaa waxaan aad u jecelahay inaad ka faa’ideysataan mudada halkan aad joogtaan waxa leydin dhigi doono”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply