“Umad Isku Mid ah iyo Qaran Si u Wada Dhaqaaqa Ayaanu Nahay” Wasiir Koore

0
722

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay Somaliland in ay tahay qaran dad ahaan iyo dal ahaanba isku mid ah oo meel keliya u wada jeeda wax qudhana wadaaga.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay in deegaanada Puntland ee Soomaaliya  ay yihiin dhul qabiil iyo reero wax lagu qaybsaday oo ay yihiin reero wax wada yeeshay.

Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay dadka ka soo jeeda deegaankiisa ee ku andacooda in Somaliland aanay ka haysan saamigii ay ku lahaayeen.

Waxaanu taxay xilalka qaran ee deegaankiisa madaxda ka soo jeeddda ay ka hayaan xukuumadda Somaliland, waxaanu sidaa ku sheegay barnaamijka wicitaanka dhageystaha ee idaacadda VOA, isaga oo si waafiya uga jawaabay eedo gardarro ah oo uu Somaliland u jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ka hadlay isla idaacadaasi.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ugu horreyn isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Qodobka mihiimka ah ee u baahan in la sheega waxaa uu yahay Puntland qoys ayay wax ku qaybsadeen ee Somaliland dad ayaa wax ku qaybsaday, oo aad iyo aad uga dhul badan ugana dad badan, maanta wax noo qalma naguna filan deegaanka aan ka soo jeedo waa ku fadhinaa, gudoomiyaha baarlamaanku waa deegaanka, wasiirka arrimaha dibadu waa deegaanka, wasiirka gaashaandhigu waa deegaanka, wasiirka biyuhu waa deegaanka, wasiirka hawlaha guud waa deegaanka, gudoomiya ku xigeenka koobaad ee golaha guurtiddu waa deegaanka, taliyayaasha ciidamada sidaasi la mida, nin cidla jooga ayaa yidhaaha dad afti ha laga qaado, anagu waxaanu leenahay dadkii iyo dalkii reer Somaliland iyo xuduudihiisi anaga ayaa xukunna umadduna wey na ogoshahay, madaxweynaha iyo xukuumadiisuna diyaar ayay u yihiin wixii dadkaasi tabanayaan in talo lagu dhammeeyo oo umad isku mid ah iyo qaran si u wada dhaqaaqa ayaanu nahay”

Sidoo kale wasiir Koore waxaa uu tilmaamay in aanu gudoomiyaha baarlamaanka Puntland aanu aheyn nin xog ogaal u ah taariikhda guunka ah ee qaranka Somaliland waxaanu yidhi “Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay sidii Somaliland loola soo noqday marka hore dawladda Somalliland waxa ay maamulka Puntland ka horeysay todoba sanno, meeshii lagaga dhawaaqay gooni isu taaga qaranimadda Somaliland waxaa wada joogey dhammaan madax dhaqameedka ka soo jeeda Sool iyo Sanaag, ninka hadlay suldaankiisi guud wuu joogey maalintaasi, oo ina Maxamuud Cali Shire ah, waxaan u maleynayaa inuu yahay qof dibada ka soo noqday oo aan xog badan ka heyn taariikhda Somaliland”

“Dadkan iyo dalkan Somaliland maanta cida faraha ku heysa dhulka uu ka hadlayo iyo cida maamusha waa la garanayaa, cida maanta boqolkiiba sagaashan maamulka dadkaasi gacanta ku heysaa waa anaga, dadkuna iyaga oo na ogol ayay maamulka qaateen, Ceerigaabo waa la og yahay, Laascaanood waa la og yahay” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply