Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo la Shiray Hay’ado ka Shaqeeya Kalluumaysiga

0
594

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay madaxtooyada ku qaabiley Laba Hay’adood oo kala ah Fair Fishing iyo Transfigure Foundation oo ka shaqeeya horumarinta Kalluumaysiga.

Waxa shirka Madaxweyne ku xigeenku la yeeshay labadaas hay’adood ujeeddoodu aheyd sidii loo dardar gelin lahaa loona diyaarin lahaa qabsoomida Carwada Kalluumaysiga Somaliland ee Sannadkiiba mar lagu qabto dalka, laguna soo bandhigo wax-soo saarka Kalluunka, oo ay ka wada shaqeeyaan hay’adda Fair Fishing iyo Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland.

Dhinaca kale hay’adda Transfigure Foundation oo iyagu ah hay’ad ku cusub dalka una timid sidii ay u indho-indhayn laheyd wax soo saarka kalluumaysiga ayey madaxweyne ku xigeenka ka wada hadleen sidii ay xog dheeraada uga heli lahaayeen waxa soo saarka dalka ee dhinaca kalluunka, iyagoo danaynaya inay dalka soo degaan kana hawl-galaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu labada hay’adood ku dhiirigeliyey inay xooga saaraan sidii ay u horumarin lahaayeen kalluumaysatada iyo wax soo saarka khayraadka baddaha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply