“Sharci Ayaanu Gole Deegaan Ku Nahay Sharcigu Hadduu Na Kala Dirrana Waanu u Hoggaan Samaynaa” Xildhibaan Axmed Khayre

0
660

Boorama (Dawan):- Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama, ayaa sheegay in ay xildhibaanno gole deegaan ku yihiin sharciga iyo dastuurka dalka, isla markaana ay u hoggaansanyihiin shuruucda dalka, kuna qanacsan yihiin wax kasta oo sharciyan ay ku bannayn karaan kuraasta golaha deegaanka.

Xildhibaan Axmed Khayre oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaa kale oo uu ka hadlay hawlo jidad bannayn ah oo dawladda hoose ee degmada Boorama maalmihii u dambeeyay ay ku hawlanayd iyo waxyaabaha u qabsoomay iyo higsiga qorshe hawldeed ee ay doonayaan in ay wax kaga qabtaan bilicda degmada Boorama ee ay xildhibaanada u yihiin.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan isaga oo ku sugan degmada Boorama.

Ugu horrayn xildhbaanka oo aanu waydiinay hawlaha jid bannaynta ah ee ay maalmihii u dambeeyay ka wadaan degmada Boorama iyo siday dadweynaha saamayn ugu yeelatay, ayaa ku jawaabay. “Waxaanu wadnay in aanu kor u qaadno bilicda magaalada Boorama oo ah magaalo weyn oo aad u fidaysa una baahan in bilicdeeda iyo jid bannaynteedaba laga shaqeeyo, waxaana jiray waddooyin badan oo suuqyada iskaga gudba oo cidhiidhi noqday ama lagu jarayba meherado hor yaalla oo lagu ganacsado, markaa waxaanu samaynay in aanu jididka magaalada bannayno oo aanu ka rarno dadka waddooyinka xidhay ee saxmada magaalada sababta u ah, waxaana jira dad badan oo meherado intay kiraysteen hadana guryihii ay kirada ka bixinayeen hortooda degay oo waddooyinkii iyagu xidhay markaa kuwaas ayaan ka bannaynaynay jidadka si aanay isu socodka magaalada ee dadka iyo gaadiidka aanay dhibaato ugu noqon, waxa kale oo jira in aanu qorshaynay in aanu soo kordhino oo aanu dhisno suuqyo cusub oo dadka dibadyaalka ahi ay ku ganacsan doonaan oo qorshaha noogu jirta, markaa hawlahaas, ayaanu hadda wadnaa. Kollay markasta oo hawl la bilaabayana way dhib badan tahay oo caqabado way kaa hor imanayaan waxaana dhici karta in dad badani ay u haystaan in dhismayaasha guryaha laga hor qotomiyay in ay sharci yihiin oo ay kaa cawdaan laakiin markii dambe dadkii waanu isla garanay in waxa laga shaqaynayaa ay tahay danta magaalada gacanna way nagu siiyeen.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay. “waxa kale oo aanu doonaynaa intaanu golaha joogno ee aanu metelayno dadkii na soo doortay in aanu wax muuqda uga tagno oo la yidhaahdo golihii deegaanka ayaa waxaa sii qabtay oo ay taariikhda noo gasho oo aanaan noqon kuwo marka la soo hadal qaado laga noxo, waxaanan hadda wadnaa qorsheyaal dhawr ah oo dhammaantood kor loogu qaadayo horumarinta degmaa Boorama, hadday waddooyin tahay, hadday kor u qaadista bilicda tahay iyo hadday suuq samayn tahayba.”

Xildhibaanka oo la waydiiyay siday u arkaan hadal maalmihii u dambeeyay bulshadu isla dhex maraysay oo sheegayay in la kala dirayo goleyaasha deeganka ee degmooyinka dalka iyo muddo kordhinta wakiilada ee laga reebay, ayaa ku jawaabay. “Goleyaasha deegaanku waxay goleyaal deegaan ku yihiin sharciga iyo dastuurka dalka, haddaan u soo noqdo annaga (golaha deegaan Boorama) waxaanu ku qanacsannahay in aanu sharci ku nimo isla markaana sharci aanu ku tegi karno haddii gole la soo doortay uu na bedelo iyo haddii sharciyan dastuurku cidda uu awoodda u siiyay ay na kala dirto labadaba waanu ku qanacannahay, markastana sharciga na maamuusay ayaan u hoggaansannahay.” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Khayre oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama oo waraysi gaar ah siiyay wargayska dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply