Hay’adda Shaqaalaha oo Tobabar Indho-fur ah Siisay Guulaysteyaashii Goboladda Awdal Iyo Togdheer

0
488

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa tababar indho fur ah u qabatay shaqaalihii cusbaa ee dhawaan laga qaatay goboladda Awdal iyo Togdheer, isla markaana shaqaalaha ku kala wareejisay Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawliga ee ay boosaska shaqooyin ka banaanaayeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ayaa warsaxaafaddeed uu soo saaray ku sharraxay qaabka shaqaalaha cusub ee dawladdu gobolada Awdal iyo Togdheer ka qaadatay oo tababaro Indha-furka shaqaalenimo ay hay’adda shaqaaluhu ku sii carbisay ka dib ay ku wareejiyeen shaqaalihii cusbaa wasaaraddaha iyo hay’adda ay ka hawl-geli doonaan ee boosaska shaqaale ka banaanaayeen waxaana qoraalka Sharmarke Geelle u dhignaa sidan. .

“Tobabarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa, waydiimo iyo warcelin kadib, waxaa si habsami ah u soo dhammaaday qorshaynta iyo qaybinta Guulaysteyaashii dhawaan ka soo dhex mudhay tartamadii dalka ka qabsoomay qaybtoodii Gobollada Awdal iyo Togdheer.

Hay’adda Shaqaalah Dawladda ayaa Guulaysteyaasha ku dardaartay horumarinta Gobolka iyo guud ahaan-ba Qaranka waxaana loo ballamay shaqo hufan iyo adeeg qof walba oo muwaadin ahi halkiisa ku helo. Adeeg bixinta oo qayb-weyn ka ah ujeedooyinka Dawladnimada shacabku u samaystaan ayaa sannadkan 2019 kamid ah tiiraarka ugu waawayn ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu beegsanayso iyada oo lagu gaadhayo; kor u qaadida xadiga, xirfada iyo agabka Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Tobabarkan oo mar ka wada furmay gobolada Awdal iyo Togdheer halkaas oo si talan-taali ah marba uga socon doonna laba gobol iyada oo looga dan leeyahay kobcinta iyo maamul-daajinta shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply