Taliyaha Booliska Sanaag oo Sheegay in ay Xalliyeen Khilaaf ka Dhex Taagnaa Shirkad iyo Dadweynaha Degmada Maydh

0
489

Hargaysa(Dawan):- Taliska qaybta Booliska Gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay xallinta khilaaf ka dhex taagnaa shirkad waddani ah iyo dadweynaha deegaanka degmada Maydh oo muran soo kala dhex galay, isla markaana ay socdaal shaqo ugu tageen oo ay is faham ka soo gaadheen dhinacyadii uu khilaafku ka dhex jiray.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag Gaashaanle sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo warbaahinta la hadlay, waxa kale oo uu tilmaamay in dadweynaha degmada Maydh cabashadoodii ay dhegeysteen isla markaana dadweynuhu ay xaq u leeyihiin in ay cawdaan wixii xuquuq ah ee ay leeyihiinna ay dawladdu uga masuul tahay.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay in shirkadda Tacabwadaag sifo sharci ah ay ku joogto gobolka Sanaag oo ay ruqsad ka haysato wasaaradda Macdatna iyo Tamarta.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Sanaag oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.“Waxaanu safar ku tagnay degmada Maydh iyo deegaamada hoos taga waxaanan u tagnay hadalo warbaahintu sii daysay oo iskhilaafsan oo u dhaxeeya Shirkadda tacab-wadaag ee macdan qodista u timi deegaanka Maydh iyo Shacabka deegaanka Maydh,shirkadda tacab wadaag waxa ay ku timid gobolka Sanaag sifo sharciya waxaanay ruqsad ka soo qaadatay wasaarada Macdanta iyo tamarta shacabka deegaanka Maydh cabashada xaq ayay u leeyihiin dawladda ayaana masuul ka ah in ay ilaaliso cabashada dadweynaha iyo duruufahooda.”.

Cabdirisaaq Maxamed Faarax waxa uu sheegay in xukuumaddu qaaday masuuliyadda wixii ay ku kala cabanayaan shacbka maydh iyo shirkada Tacabwadaag waxaanu yidhi “waxaanan isla soo qaadnay wixii deegaanka iyo shirkaddu ku kala cabanayaan in masuuliyaddeeda ay qaado dawladdu muddana waanu usoo qabanay wixii ay tabanayaana laga bogsiiyo,wax yaabaha qaarkood xaq ayay u leeyihiin oo ay ka mid yihiin haddii khayraad deegaanka laga soo saaaro waxa deegaanku ku yeelanayo oo Xkuumaddu masuul uga tahay shaqaale hadday tahay,meelaha khayraadka aadka u badani ku jiro sida Beeyada iyo Fooxa iyo Maydiga Daranta in lama taabtaan tahay ayaanu isku soo afgaranay si fiican ayaanay noogu soo dhamaaatay hawshaasi waanan uga mahad celinayaa shacabka deegaanka Maydh.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply