Waraysigii Guddoomiye Faysal Cali Sheekh iyo Nuxurka uu kaga Hadlay Qaybtii 2aad

0
868

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga Aafooyinka dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh, ayaa waraysi uu siiyay wargayska Dawan, ayuu qaybtiisan labaad kaga hadlay qorsheyaasha ay beegsanayaan iyo waxyaabaha u qabsoomay iyo safarro ay ku tageen dalal dibabedda ah iyo guulaha ay ka soo hooyeen.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay tallaabooyin muhiim ah oo ay ku tallaabsadeen, ayaa yidhi. “Waxaa noo qabsoomay in aanu beernay wax soo saarka dalagga beeraha, annaga oo u marney wasaaraddii dhanka wax-soo-saarka u qaabilsaneyd in aanu helno dhul wax laga beeri karo, maadaaama aanu keydkii qaranka nahay in aanu wax soo saari karno, illaa 2-km iyo badh ayaanu qodney oo wax bajad dawladdeed ah oo aanu u heynay aanu jirin ee siyaabo kale ayaanu kaalmo kale u raadsaney, caleen badan ayaanu dhab ahaantii ka soo saarney oo 65-kii maalmood ee ugu dambeeyay aanu jaritaankiisa ku hawlaneyn, xero weyn ayaanu dhigney oo aanu dooneyno in la isticmaalo xilliyadda abaarta”

Waxaanu intaa raaciyay isaga oo hadalkiisa sii wata. “Sannadkan cusub waxaa noo qorsheysan in dhisme laba dabaq ah oo weyn aanu ka dhisno xarunta hay’adda ee Hargeysa oo aanu ka bineyno maadaama dhismayaashu nagu yar yihiin, xaruntiina balaadhaneyso, iyadda oo la marin doono ciddii ku shaqada laheyd ee guddida qandaraasyadda, tababarro badan oo dhawaan bilaabmi doona ayaa noo qorsheysan, waxaa kale oo noo qorsheysan sidii bakhaaraddaasi ay noogu dhismi lahaayeen, oo gobol kasta loogu dhaqaajin lahaa xiliyadda ay wax dhacaan, sababta ka dawlad ahaan in aynu keyd yeelanaa waa muhiim oo wakhtiyadda wax deg deg ahi ay dhacaan aynu ku gurman karno, waxaanu dhisnay qaybtii Carabta oo ah goobta aanu iskaga dubaridi doono wixii kaalmooyin dhanka Carabta innaga soo gaadha, waxaa kale oo aanu imika ku hawlanahay xarunta gobolka Awdal aanu ku yeelan doono inaanu dhisno, goboladda oo dhan ayaanu dooneynaa inaanu xafiisyo ku yeelano shaqaalahayagana waanu dardargeliney”

Mar uu ka hadlayay safarro ay dalal dibedda ah ugu baxeen iyo guulaha ay ka soo hooyeen, ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Sheekh. “Safarro ayaanu ugu baxney waddanka Jabuuti waxaanan ka soo helnny 44 baabuur oo waaweyn raashinkood oo lagu qiyaasay illaa lix boqol oo kun oo dollar, soona urruriyeen dawladda Jabuuti iyo dadweynahoodu, waxaanu u qaybiney sanadkaa badhtankiisa dhulka xeebaha oo ka soo bilaabma min Lowyacado ilaa bariga Saaxil, waxaa kale oo aanu safar ku tagney wadanka Imaaradka Carabta, waxaanu ka soo helay diyaaradihii gurmadka ka geystay duufaantii Sagar, waana markii koobaad ee ay Somaliland diyaarado ku gurmato ama abaar ha noqoto ama duufaantiiba ha noqote, sidoo kale waxaanu tagnay dalka koonfur Afrika oo aanu kulamo badan la yeelaney, kuwaasi oo kulamo la yeelanay hay’addo badan oo wadankaasi ka hawlgala, waxaa kale oo aanu diiwaangalin ku sameynay raashinka noo yaala oo aanu kala socono wixii naga baxay iyo waxa noo baaqiya koonbiyuurtarka”

Waxaa kale oo uu faah faahiyay hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin iyo siyaabaha ay isu kaashadaan. “Waxaa jira hay’addo badan oo waddanka ah oo aanu shaqo wadaag leenahay, xogtana waxaa aanu ku kala qaadana kulamo aanu yeelano, hadday tahay beeraha, biyaha, deegaanka iyo kalluumeysiga hadday tahayba, waxaa naga dhaxeysa wada shaqeyn, waxaanu rejaynaa in aanu wax badan awoodda saarno, booyaddihii kale waanu helnay oo xarunta ayaanu keenaynaa oo wax weyn ayay ka tari doonaan biyo dhaamiska, caqabado badan ayaa jira oo ka xoog badan dhibaatadii oo mararka qaar ay imaneyso adoon waxba heyn in ay dhibaato ku soo wajahdo, shaqaale intan ka badan ayaynu u baahanahay, aqoon intan ka badan inaynu helo ayaynu u bahanahay, kuma niyad jabayno caqabadaha jira waanu dadaaleyna, waa dhibaato deegaan oo jirta ama ha dhuxuleystaan ama dhulku wixii uu ku tayoobilahaa ee daaqiisa xoolaha aynu ku noolahay loogu hagaajinlahaa dhibaato weyn ayaa naga heysata oo waxaa laga yaaba in uu qof iska ooto, in dhirtii la jaro oo la dhuxuleysto, raxmaadkii ayaa ku xidhan oo xaaluf ba’an ayaa dhulkii ku dhacay, isbadalkan cimiladu isaga laftiisu saameyn weyn ayuu inagu leeyahay, oo roobabkii aynu heli jirnay waxaa laga yaaba inaynaan helin, qorshayaasha qarankana lagu saleeyo sidii biyaha ina dhaafaya aynu u qabsan laheyn nolosheena oo dhami biyaha ayay ku xidhan tahay, mihiimadda koobaadna la siiyo sidii biyahaasi loo qaban lahaa, dhuxuleysigana la joojiyo si aynu uga baxno masiibadda ina heysatay shantii sanno ee u danbeysay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply