Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Beeraha iyo Ardayda Somaliland ee Turkiga

0
430

Izmiir (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed oo Safar shaqo ku jooga Dalka Turkiga ayaa wuxuu kulan la qaatay Ardayda Reer Somaliland ee Waxbarashada u jooga Dalkaasi, gaar ahaan Ardayda Wax ka barta Jaamacadaha Magaalada Izmiir.

Wasiirka oo uu Socdaalkiisa ku wehelinayo Madaxa Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha, Mowliid Xasan Cabdi, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Ardayda Reer Somaliland ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla Magaaladaasi, ka dib markii Wasiirka iyo Masuulka la socdaa ay Magaalada Izmiir kaga qayb-galeen Carwo Caalami ah oo sannadkiiba hal mar halkaa lagu qabto.

Kulankan ayaa ahaa mid is-xog-waraysi, waxaanu Wasiirku Ardaydii uu la kulmay uga warramay Xaaladda Dalku marayo, isagoo kula dardaarmay inay ku dedaalaan sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen Waxbarashada ay Turkiga u joogaan, si ay Mustaqbalka ugu anfacaan Nafahooda iyo Dalkoodaba, halka Ardayduna Wasiirka iyo wefdiga uu hoggaamiyao   uga Mahad-celiyeen fursadda uu u siiyey inay la yeeshaan kulankan isla-markaana uu uga warramo Dalkooda hooyo oo ay muddo ka maqan yihiin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply