Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Demgada Dilla+Sawiro.

0
780

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey degmada Dilla ee gobolka Awdal oo ay socdaal shaqo ku gaadheen.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo saaka ka ambo baxay magaalada Gabiley, ayaa waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Dilla ee gobolka Awdal, waxana halkaas kaga hortegay shacabka deegaanka oo ay hormood u yihiin cuqaasha, salaadiinta, aqoonyahanka, waxgaradka iyo maamulka gobolka Awdal.

Bulshada ku dhaqan degmada Dilla oo maamul iyo madax-dhaqameed isku duuban, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyey madal loo asteeyey in shacabka lagala hadlo, waxana halkaas hadallo kooban ka jeediyey Salaadiinta ugu miisaanka culus gobolka Awdal oo ay kamid yihiin, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, Suldaan Xasan Xaddi Baade iyo xubno kale, iyada oo maamulka heer gobol iyo heer degmo-na madasha ka jeediyeen hadallo loogaga mahadnaqayo shacabka sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyey madaweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay bulshada ku dhaqan degmada Dilla ee sida hagar la’aanta ah usoo dhaweeyey isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana uu tilmaamay in bulshada reer Dilla caan ku tahay soo dhaweynta iyo marti-soorkaba.

Image may contain: one or more people, crowd, tree and outdoor

Image may contain: 18 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing and hatImage may contain: 1 person, smiling, standing, sky and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, sky and outdoorImage may contain: 1 person, standing, suit and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, shoes and outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 15 people, people smiling, crowd, child and outdoorImage may contain: 14 people, people smiling, people standing and crowdImage may contain: 12 people, people smiling, people standingImage may contain: 8 people, outdoorImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 3 peopleImage may contain: 9 people, people smiling, suitImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: car and outdoorImage may contain: 1 person, smiling, standing, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, standing, crowd, tree and outdoorImage may contain: 2 people, crowd, wedding and outdoorImage may contain: 3 people, closeupImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, shoes and outdoorImage may contain: one or more people, crowd, tree and outdoor

Leave a Reply