Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Kulan Uu La Qaatay Wafti Ka Socday Midawga Yurub.

0
517

Hargeysa(Dawan)Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyey kulan uu la qaatay wefti ka socda Midawga Yurub, kuwaasoo booqasho ku yimid dalka Somaliland.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo si kooban ula hadlay saxaafadda xalay, waxa uu sheegay inay weftiga Midawga Yurub ka wadahadleen arrimo kala duwan oo khuseeya shaqada garsoorka, hannaanka caddaaladda Somaliland.

“Waxa aannu kulan muhiim wada qaadanay wefti ka socda Midawga Yurub (EU-da) oo maalmihii u dambeeyey safar ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan ka wadahadalnay arrimo ay ka mid yihiin; hawlaha garsoorka, horumarinta caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga (rule of low), waxayna weftiga ka socday Midawga Yurub ay ballanqaadeen inay garsoorka Somaliland kala shaqayn doonaan sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada garsoorka iyo caddaaladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana halka maanta la joogo hore looga sii socon lahaa, shaqada garsoorkana looga dhigi lahaa mid bulshadu ku wada qanacsan tahay dhinac walba,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa kaloo aannu kooxda ka socotay Midawga Yurub ka wadahadalnay isbeddelka aannu ku samaynay, welina socda ee la xidhiidha nidaamka dib-u-habaynta garsoorka Somaliland (Somaliland Judicial Reform), anaga oo u faahfaahinay guulaha kala duwan ee ilaa hadda laga gaadhay nidaamkaas dib-u-habaynta ah iyo faa’iidooyinka ka dhashayba, waxayna weftigu noo ballanqaadeen inay ka go’an tahay sidii ay taageeradooda uga gaysan lahaayeen hannaankaas dib-u-habaynta loogu samaynayo garsoorka iyo caddaaladda Somaliland, arrintaas oo ay si xooggan u bogaadiyeen.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa uga mahadnaqay Midawga Yurub sida fiican ee ay ula shaqeeyaan, una caawiyaan dalka Somaliland oo uu xusay inuu yahay dal dimuqraaddi ah oo ku dhaqma sharciga iyo kala-dambaynta dowladnimo, isagoo ku dhiirigeliyey inay sii kordhiyaan kaalmada ay siiyaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga ka socda Midawga Yurub oo toddobaadkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Somaliland, waxay shirar iyo kulamo kala duwan la qaateen xisbiyada qaranka, hay’adaha dowliga ah ee Somaliland, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha la shaqeeya EU-da ee xafiisyada ku leh Caasimadda Hargeysa.

 

 

 

 

Source: SOLNA News Agency.

Leave a Reply