Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Saxeexay Buugga Tacsida ee la Dhigay Safaaradda Itoobiya

0
613

Hargeysa(Dawan)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi ugu tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland diyaaradii shalay burburtay ee ay ku dhinteen 157 qof, waxaanu  madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.

Waxaa ku simaha madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Geesta kalena waxa Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland uu shalay dhambaal tacsi ah u diray Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Axmed iyo shacbiga Itoobiya oo uu si tiiraanyo leh uga tacsiyadeeyey diyaaradii burburtay ee dadka badani ku dhinteen.

Solnanews.com

Leave a Reply