Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Tababarsiisay 90 Hablood

0
525

Hargeysa-(Dawan)- 90-kii hablood ee dhawaan ku guulaystay tartamadii shaqo ee dalka ka qabsoomay oo maalmihii u dambeeyey  ku sugnaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa la siiyey tababaro isugu jira qorshaynta hawl-qabadyada, maaraynta xafiisyada, la qabsiga goobaha shaqo, hogaaminta iyo abuurida hiigsi halbeegyo wata.

Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha dawladda Sharmaake Geelle ayaa ka warbixiyey ujeeda tababarka hablaha la siiyey noocayada casharada ay barteen waxana uu yidhi “Ujeedada kulankooda ayaa ahaa sidii loo siin lahaa tababaro isugu jira  qorshaynta hawl-qabadyada, maaraynta xafiisyada, la qabsiga goobaha shaqo, hogaaminta iyo abuurida hiigsi halbeegyo wata., intii casharadu socdeen waxa ay fursad u heleen in ay dhexdooda is bartaan sida oo kalena ay yeeshaan xidhiidho walaalnimo oo dhaw iyaga oo u ballamay kor-u-qaadida adeega shacabka ee heer gobol iyo mid qaran-ba”

Guddoomiye Sharmaake ayaa bogaadiyey sagaashanka hablood iyo Dallada xidhiidhka Haweenka ee NAGAAD oo taageero u muujisay guulaystayaasha hablaha “Waxaa bogaadin mudan dareenka walaalnimada iyo dalnimada huwan ee guulaysteyaashii hablaha ahaa ee Gobolka Maroodi-jeex ay u soo dhaweeyeen habilhii ka kala yimi Goboladda kale ee dalka. hay’adda shaqaalaha dawladdu waxa ay si gaar ah u bogaadinayaan Dallada xidhiidhka haweenka ee NAGAAD oo taageero iyo kalgacal u muujiyey guulaysteyaashii hablaha ahaa iyo tiro badan oo kamid ah shaqaalaha haweenka ah ee dawladda. Oo cadayn u ah Jidka loogu jiro qaran qalinku qiimo leeyahay” ayuu yidhi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply