Xukuumadda iyo Xisbiyada oo ka Hadlay Diyaarad Rakaab Oo Ku Burburtay Ethiopia

0
515

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay diyaaradda laga leeyahay dalka Ethiopia oo siday rakaab tiradoodu dhan tahay boqol, sagaal iyo afartan qof iyo sideed shaqaale a,h taasi oo ku burburtay magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland ahna madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in dawlad iyo shacab ahaan ay u tacsiyadaynayaan dawladda Itoobiya iyo waddamada ay ka soo jeedaan rakaabkii saarna diyaaradda Boeing 737.

Madaxweyne ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan dhambaal tacsi ah u dirayaa dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi oo uu ka tacsiyadaynaayo shilka diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi oo ay ku burburtay diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada xilli ay u kala socdaalaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi, taasi oo ay saarnaayeen 149 rakaab ahi iyo siddeed ka mida shaqaalihii diyaaradaasi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta sharkadda Ethiopian Airlines” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku .

Dhinaca kale Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa .sheegay in dawladda Itoobiya ay saaxiib dhaw la tahay Somaliland, isla markaana ay xad dheer la wadaagto, waxaanay sheegeen in xisbi ahaan uu tacsi la wadaagayo shacabka iyo dawladda Itoobiya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlay dhacdadaa ayaa yidhi “Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi la wadaagayaa dowladda Federaalka Itoobiya iyo shacabkeeda shilkii naxdinta lahaa ku dhacay diyaaraddii Ethiopian Airlines.”

War qoraal ah oo saartay sharikadda diyaaraddaha Itoobiya  ayaa lagu  sheegay in baadhitaan iyo samatabixin ay ka socoto goobta ay diyaaraddu ku burburtay oo u dhow magaalada Bishoftu oo 60km Koonfur Bari ka xigta Addis Ababa. Waxanay sheegeen in dadka diyaaradda saaran ay u kala dhasheen 33 Waddan, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedig ah, ama carruura ee diyaarada saarnaa .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply