Hay’adaha Wadaageyaasha Qorshaha Horumarinta Qaranka Oo Shir Ku Yeeshay Hargeysa

0
483

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa shalay shir la yeelatay dhamaanba hay’adaha kala duwan ee wadaageyaasha barnaamijka qorshaha horumarinata qaranka.

Shirkan oo uu shir gudoominayay wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac, waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday hay’addaha dawladda, hay’addaha Qaramada Midoobay, hay’addaha Caalamiga ah iyo goob-joogayaal kale.

Ugu horayn waxaa halkaas ku soo dhaweeyay ka soo qayb galayaasha kulankaasi agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan.

Waxaanu wax ka taab-taabtay muhiimada kulanka, waxyaabaha ka qabsoomay qodobadii la isla qaatay shirkii kan ka horreeyay iyo waxyaabaha kulanka shalay lagu lafo-guri doono.

Furitaanka kadib, Agaasimaha Guud wuxuu ku soo dhaweeyay wasiirka oo ah gudoomiyaha shirka, si uu shirka ugu daahfuro si rasmiya, isla markaana ajandaha shirka u gudo galo.

Wasiirka ayaa ka soo qayb galayaasha siiyay warbixin ku saabsan halka horumarka guud ee wadanku marayo, waxyaabaha hadda socda, waxyaabaha taagan iyo muhiimada ay leedahay in si waafi ah looga doodo qodobada u muhiimsan ee ajandaha shirka ah.

Agaasimaha Waaxda Isku-dubaridka Cabdifataax Suldaan Aadan Faarax, ayaa halkaas ka jeediyay warbixin ka hadlaysa dhawr qodob oo ay ka mid yihiin, halka ay marayaan hadda madalaha ay leeyihiin Wadaagayaasha kala duwani, Hagaha guud ee shirarka madalaha Wadaagayaasha iyo jadwalka billaha ah ee loo isticmaali doono isku-baridka.

Tirakoobida iyo qiimaynta daneeyayaasha kala duwan ee ka hawlgala Wadaagayaasha kala duwan iyadoo la kaashanaayo hogaamiyayaasha kala duwan ee Wadaagayaasha iyo talaabooyinka horyaala Wadaagayaasha kala duwan si loo fuliyo hannaanka kala hormarinta qorshaha qaranka.

Waxa kale oo ka mid ahaa arrimaha u muhiimsan ee lagaga wadahadlay shirka ka mid ahaa baahida loo qabo in kor loo qaado sugitaanka xogta ee dhamaan Wadaagayaasha.

Waxa ahmiyad gaar ah la siiyay sidii meesha looga saari lahaa xog-yaraanta loona buuxin lahaa wixii ka qabyo ah liiska xogaha aan la haynin ama aan la isticmaalin ee Wadaagayaasha kala duwan khuseeya.

Falanqayn dheer kadib dhamaan xubnaha shirku waxay aragtidooda ka dhiibteen isla markaana si cilmiyaysan uga hadleen qodobadii ajendaha shirka ku jiray, waxaana la isla qaatay qodobo ay tahay in la fuliyo inta ka horaysa kulanka kale ee seddex biloodka kan xiga.

Ugu danbayn, agaasimaha Waaxda Isku-dubaridka oo ka Wakiila Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa kulanka soo xidhay, ugana mahadnaqay xubnaha madasha sidii hufnaantu ku jirtay ee ay u falanqeeyeen qodobadii loo asteeyay in shirka lagaga wada hadlo.

Leave a Reply