Daacadnnimo iyo Dibin-daabyo Midkee Loo Qaadan karaa Falanqeynta BBC ee Somaliland?

0
672

Idaacada BBC, laanteeda Af Soomaaliga ku hadasha ayaa shalay mareegtooda ku baahiyey faalo ay cinwaan uga dhigeen, Somaliland: Maxay tahay Sababta ay diblumaasiyiin badan oo heer caalami ah ugu sii qulqulayaan Hargeysa? Taas oo falanqeyn kooban ka dib ku soo gunaanadeen, saddex qodob oo ay sheegeen inay midkood loo qaadan karo sababta ka dambaysa.

In faalo ama aragti-rog-rogid laga diyaariyo xaalad soo cusboonaatay, ama hore u jirtay waa soo-jireen dunnida wax-qorrida u saaxiibka ah iyo daneeyaasheedu ku soo dhaqmi jireen, balse waxa isweydiin leh, marka dhinac hore ugu heelanaa dibin-daabyadaada, xilligan u hollado ama isu-dhigo mid dannaynaya dhiirigelintaada, maxaa loo arki karaa, ama ugu muuqan kartaa inta sida dhow ula socotay waayahooda?

Bal haddaba, waxaynu isku deyi doonaa inaynu akhrino ujeedada ka dambaysa, mowduuca BBC ee aynu xagga sare ku soo sheegnay, si aynu u gaadhno biyo-dhaciisa. Ugu horeyn BBC ayaa ku sheegay qoraalkooda;

Magaalada Hargeysa ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad ugu badnaa socdaalka ay ku tagayaan diblumaasiyiin iyo siyaasiyiin heerkoodu sarreeyo oo ka kala socday dalal iyo hay’ado kala duwan.

Waxaana siyaasiyiintaas socdaallada kala duwan ku tagay Hargaysa kamid ah, Xoghayaha difaaca ee Ingiriiska Gavin Williamson, oo 6-dii Jeeniwari ee sanadkan booqasho ku tagay Hargeysa, isaga oo halkaas wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in uu dhawaan halkaas tago Donald Yamamoto, oo ah Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya.

Haddaba dad badan ayaa iswaydiinaya sababta ay diblumaasiyiintan faraha badan ugu qulqulayaan Somaliland?

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in ujeedadda ka dambaysa socdaalka diblumaasiyiintaas ay ku tagayaan Hargeysa ay tahay saddex arrimood oo sare u qaaday muhimmadda Somaliland ee gobolka:

  1. Doorashooyinka Somaliland

Doorashooyinka goleyaasha deegaanada iyo tan wakiiladda Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa lagu waday in ay qabsoomaan 19-kii March ee sanadkan arrintaas oo dib u dhac uu ku yimid.

Doorashada goleyaasha deegaanada ayaa dib u dhacay iyada oo aan loo jaan goyn xilli ay qabsoomi doonaan isla makaasna aan loo samayn wax muddo kordhin ah, halka golaha guurtidu ay golaha wakiiladda waqtiga u kordhiyeen oo ay ugu dareen 10 bilood.

Dib u dhaca doorashooyinka ayaa waxaa sabab looga dhigay muran u dhexeeya axsaabta siyaasadda oo isku maandhaafsan guddiga qabanaya doorashooyinka.

Si kastaba ha haatee ismari waaga axsaabta siyaasadda ee Somaliland ee dhanka doorshooyinka ayaa keenay dalal badan iyo hay’ado caalami ah oo daneeya hannaanka dimuquraadiyadda ee Soomaliland in ay tagaan Hargeysa.

Dalal badan oo ay ugu horreeyaan kuwa Midowga Yurub iyo hay’ado caalami ah ayaa dhaqaale badan ku bixiya hannaanka dimuquraadiyadda ee Soomaliland, waana mid kamid ah ujeedooyinka ay diblumaasiyiin fara badan oo kala duwan ay halkaas ugu sii qulqulayaan.

  1. Wadahadallada Somalia iyo Somliland

Dalal badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya oo Turkigu uu kamid yahay ayaa isku dayaya in ay qayb ka qaataan wadahaddalada u dhexeeya Dawladda Federaalka ah ee Somalia iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbaanida ee Somaliland.

Labada dhinac ayaa dhowr jeer oo hore wadahallo ku yeeshay dalalka Jabuuti iyo Turkiga iyadoo aanay wada xaajood yadaas ka soo bixin heshiis wax ku ool ah.

Labada dhinac ayaa doonaya in ay sii wadaaan wadahadallada iyada oo dal saddexaad uu u kala dab qaadayo si loo gaadho heshiis midho dhal ah.

Dalalka sida wayn u danaynaya ayaa waxaa kamid ah Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya, iyada oo dhawaan uu Raysal wasaaraha dalka Itoobaya sheegay in uu doonayo in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac.

Arrintan oo ah mid ay dalal badan oo caalamka ah danaynayaan ayaa ah mid kamid ah u jeedooyinka ay siyaasiyiin badani u tagayaan magaalada Hargaysa.

  1. Isbaddalka ka dhacay Geeska Afrika

Isbaddalkii ka dhacay Itoobiya iyo heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eretria ayaa horseeday isu soo dhawaansho dhanka gobolka ah.

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhawaan socdaal ku tagay Magaalada Addis Ababa isaga oo halkaas wadahadal kula yeeshay Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Marka la isku soo daro isu soo dhawaanshaha iyo kulamada ay yeesheen madaxda Itoobiya, Eretria iyo Soomaliya, iyo Socdaalkii Wasiirka arrimaha dibadda Eretria iyo sidoo kale socdaalkii Muuse Biixi uu ku tagay Addis Ababa ayaa ah caalamad muujinaysa in isbaddalaadasi ay saamayn ku yeesheen siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan wadahadalka u dhexeeya Somaliya iyo Somaliland.

Haddaynu aragnay nuuxurka qoraalka BBC, ee la xidhiidha isbedelada Somaliland iyo siday u qiimeeyeen, midkeenba waxa uu isweydiin karaa, maxaa horta ku cusub, ama lagala soo bixi karaa? Taas oo annigu hadaan soo gaabiyo u dhigi karo: imaatinka safiirka Maraykanka u qaabilsan waxii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya, oo wakhtigan jamhuuriyada Somaliland gooni ka tahay, taas oo haddii ay jirto ama qorshaheeda la waddo u muuqan karta ama ka dhigan qoraal lagu sii dhaawacayo qabsoomida kulankaa, marka loo eego xaaladaha gobolka Geeska Afrika iyo xogaha dublamaasiyiinta reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka oo inta badan aan hore loo sii shaacin sababo amaan awgeed, kana dhigaysa mid dib-u-eegis ay ku sameeyaan dhinacyada ay khusayso, hadaanay gebi ahaanba joojin, kana dhigaysa, hadaanu ahayn ulajeedadiisa koowaad mid loo diyaariyey maqaalkan BBC-da dibin-daabyada mowduucaa?

Dhinaca kale, hadii hore loogu bartay hawl-wadeenadda BBC, laanteeda Af Soomaaliga kuwo marwalba hoos-u-dhiga guulaha Jamhuuriyadda Somaliland, sababta ka dambaysa inay maanta (shalay) baahiyaan cinwaanka qoraalkooda Somaliland: Maxay tahay Sababta ay diblumaasiyiin badan oo heer caalami ah ugu sii qulqulayaan Hargeysa? Waxaa lagu soo koobi karaa biyo-dhaca BBC, u dannayn maaha jamhuuriyadda Somaliland qoraalkoodani, balse dibin-daabyo iyo inay u digaan inta taabacsan dannahooda guracan, in xaalada Somaliland u sii dhowaanayso gaadhitaanka hadafkeedii, kuna xisaabtamaan, intaan wakhtigu dhaafin. Daah-saaridda horumar badan oo maalgashi oo JSL dunnnida caalamka la wadaagtay, oo wax badan ka bedelay siyaadaha dunnida, kuna ajburay in dhinacyo badan dib-u-eegis ku sameeyaan siyaasadahoodii ku waajahnaa Gobolka Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaan la macaamilkooda Somaliland. Hadaanu uba muuqan waxba idinka qaban-kari weynee-GUULAYSTA! iyo sida ninkii neefka lagala tegay, markuu gaadhi kari waayey yidhi, waan Sadaqaystay! iyo Samir taag-waa…..!

Leave a Reply