Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Iclaamiyay Tukashadda Salaad Roob-doona

0
500

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabku inay isugu soo baxaan tukushada salaad roob doona, maalinta Axamda ee taariikhduna tahay 14.4.2019, kuna began 9-ka bisha Shabcaan 1440, ee taariikhda hijiriyada.

Sidoo kale waxa uu guud ahaan shacabka reer Somaliland ka codsaday inay is wada saamaxaan, islamarkaana ay soomaan muddo saddex cisho ah. Waxaanu Wasiirka diinta iyo aw-qaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed isaga oo ugu horeyn arrintaasi roob doonta ah ka hadlayay waxa uu yidhi “Maadaama aynu nahay dad Muslin ah, marka uu sidan oo kale roobku dib u dhaco, raxmaduna raagto, waxaa rasuulkeenu SCW ina faray in aynu u tukano Illaaheena. Sidaa daraadeed aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan farayaa umadda reer Somaliland in ay Alle ka cabsadaan, ugu horreynna Illaahey u toobad celiyaan,, isa saamaxaan, kana qayb qaatan salaada roob doonta ah oo ka dhici doonta dhammaan goboladda iyo degmooyinka dalka Somaliland, maalinta Axada ee fooda inagu soo heysa hadii Eebbe yidhaaho, 14.4.2019, taas oo waafaqsana 9-bisha Shabcaan 1440, ee taariikhda hijiriyad, saacadu markey tahay sagaalka subaxnimo, goboladda uu kuleylku ka jiro waxaa ay iyagu ka dhigan karaan siddeeda subaxnimo, laakiin sagaalka ayaa inoo ah wakhtiga aynu dhammaanteen Illaahey u jeedsaneyno, warbaahintana waxaan ka codsanaya in sidii cadaada inoo aheyd aad bulshada ku baraarujisaan.”

“Waxa kale oo aan bulshada ku wargelinaya inay saddex cisho soomaan, masaajidana laga sameeyo khudbado la xidhiidha sidii dadka ay kheyrka ugu soo jeedin lahaayeen” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply