Wasaaradda Caafimaadka oo Sheegtay in Dalka Laga Saarayo Ajaanib Aan Lahayn Xirfadda Caafimaad ee ay Sheegteen

0
571

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradda Horumarainta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ay dalka ka saari doonaan ajaanib ku hawl gala xirfado caafimaad oo aanay aqoontooda lahayn, isla markaana halis ku ah gargaarka caafimaad ee ay bukaanka u fidinayaan, maadaama aanay lahayn aqoonta caafimaad ee ay sheeganayaan.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somalilad Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qiimayn ay ku sameeyeen hawlaha baaxada leh ee hawl wadeenahada caafimaad ee ajaanibka ahi ay dalka ka hayaan, waxaanu intaasi ku daray in la isla qaatay in si degdega wadanka looga saaro dhakhaatiirta ajaanibka ah ee ka been sheegay xirfadaha caafimaad ee ay ku hawl galaan, isla markaana halis ku noqon kara bulshada .

Agaasime Dr. Xergeeye oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ururka mihnadlayaasha caafimaadku waxay qiimayn ku soo sameeyeen tirada ajaanibka caafimaadka ku shaqeeya ee dalka ka hawlgala hawlaha kala duwan ee ay hayaan, waxaanay soo ogaadeen in boqol iyo soddon ka mid ah shaqaalaha ajaanibka ah ee ka hawl gala cisbitaalada dawladda iyo kuwa gaarka ahi aanay haysan ruqsaddii ay ku shaqaynayeen, maadaama oo aanay haysan ruqsadaa waxay soo jeediyeen ururka mihnadlayaasha caafimaadku in la saaro dadkaa ajaanibka ah ee aan haysan ruqsada shaqada caafimaadka oo 130 qof ka kooban, iyada oo la eegayo hawlaha baaxada leh ee caafimaad ee wadanka ka socda waxa la isla qaatay in dib u qiimayn lagu sameeyo dadkan ajaanibka ah oo wixii waxtar leh ee wadanku u baahanyahay ee shahaadooyinka ay sitaan yihiin kuwo wadanka looga baahanyahay oo mihnadda ay hayaan tahay mid wadanka looga baahanyahay in aan la saarin oo la siiyo liisankii ay ku shaqaynayeen, halka kuwa aan lahayn xirfadaa ee dadka wax yeelada u gaysanaya in si degdega wadanka looga saaro.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay “Waxa wasiirka horumarinta caafimaadku uu magacaabay guddi dhakhaatiir ka kooban, dhakhaatiirta wasaarada caafimaadka iyo dhakhaatiirta gaarka ah, waxaanay ahaayeen dhakhaatiir khibrad dheer leh oo qiimayn ku soo sameeyay dadkaa ajaanibka ah, guddidu muddo dheer ayay eegaysay meelaha ay ka hawlgalaan, hawlaha ay qabtaan, xirfada ay qabanayaan iyo waayo aragnimada ay leeyihiin iyo shahaadooyinka ay sitaan in ay isku dheelli tiran yihiin. Markaa waxa soo baxay in dadkaa intoodii badnayd oo ah 61 qof aanay haysan wax cadaynaya in khibradaa caafimaad ee ay sheeganayaan, sidaa daraadeed loo baahanyahay in ay wadanka ka baxaan.”

Leave a Reply