Taliska Ciidanka Qaranka oo Iska Difaacay Eedo uu u Jeediyay Xisbiga WADDANI

0
530

Hargaysa (Dawan):- Taliska Guud ee ciidanka qaranka Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ciidamada qaranka iyo booliska ku eedeeyay in ay la wareegeen dirays ay lahaayeen askarta illaalada u ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi-dheere), oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa meesha ka saaray in xisbi dalban karo ama la soo degi karo dirays ciidan oo u gaar ah, taas oo uu sheegay afhayeenku in ay ka hor imanayso shuruucda ciidamada kala duwan ee dalka.
Waxa kale oo uu caddeeyay in madaxda qaranka oo dhan sugidda ammaankooda uu xil ka saaran yahay ciidamada kala duwan ee dlka oo illaalo u ah madaxda asxaabta qaranka iyo madaxda qaranka ee laamaha kala duwan oo dhan, isla markaana illaalada madaxda asxaabta qaranka iyo madaxda qarankuba ay dirayskooda ku leeyihiin talisyada ciidan ee ay ka tirsan yihiin.
Afhayeenka Ciidanka qaranka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxaan ka hadlaynaa arrin uu ka hadlay afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu ku sheegay, kuna eedeeyay in ciidanka qaranka iyo ciidanka boolisku ay ka qaadeen dirays xisbiga waddani uu leeyahay, sida afhayeenka xisbiga Waddani hadalka u dhigay. Sida aynu wada ogsoonahay ciidanka qaranka waxa uu masuul ka yahay iyo ciidamada kale ee qaranku waxay u taaganyihiin ilaalinta nabedgalyada masuuliyiinta kala duwan ee qaranka Somaliland, xisbiyada qaranka Somaliland, Golayaasha qaranka ee kala ah Baarlamaanka, wasaaradaha iyo hayadaha madaxa bannaana, waxa la wada jooga askar ka tirsan ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, askarigaasi dirayska uu xidhanyahay waxa uu ku leeyahay taliska uu ka tirsanyahay, sida sharciga ciidamada Somaliland dhigayo. Askariga ka tirsan ciidanka qaranka waxa uu dirayska ku leeyahay taliska ciidanka qaranka, ka booliska ka tirsani waxa uu dirayska ku leeyahay taliska booliska.”
Waxaanu intaa ku daray isaga oo kadalkiisa sii wata “Ma ogin, mana jirto xisbi dirays gaar ah dalbada, isla markaana ay askar gaar ahi u shaqayso oo gooni dirayskooda u dalbada.
Waxa kale oo afhayeenka xisbiga Waddani sheegay in warqad cashuur dhaaf ah oo uu qoray gaashaanle sare Cali Rooble Bulaale oo ka tirsan ciidanka Somaliland oo warqadaa uu ugu ogolaaday ay kula soo baxeen dirayskaa xisbiga Waddani. Sida sharcigu dhigayo dirays cashuur dhaaf, waxaa u samayn kara ama dalban kara oo wasaarada maaliyadda u qori kara taliyaha ciidanka qaranka. Haddii cid waliba qori karto cashuur dhaaf waxay noqonaysaa fawdo,” ayuu yidhi afhayeenka ciidanka qaranka Somaliland.

Leave a Reply