Taliska Ciidanka Asluubta oo Dhagax-dhigay Xabsiga Haweenka ee Degmadda Sallaxley

0
856

Salaxley (Dawan) Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Somaliland sarreeye guuto Xasan Cali Cawad (Xasan Cali Dheere), ayaa sheegay in ay kor u qaadeen aqoonta maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka, isla markaana ay Xabsiyada dalka oo dhan ka hir galiyeen waxbarasho ay iska kaashadeen laba wasaaradood, taliska ciidanka Asluunta iyo Jaamacad ay heshiis kula galeen wax barista Maxaabiista.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in muddadii ay talada dalka haysay xukuumaddihii kala dambeeyay ee KULMIYE in aanay jirin dad maxaabiis ah oo xabsiyada ku muddo dhaafay oo iyaga oo xukunkoodii u dhammaaday sii xidhan.

Waxa kale oo uu ka hadlay xabsiga haweenka ee degmada Sallaxlay oo Taliye Xasan shalay dhagax dhigay, waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu wargayska Dawan ku siiyay khadka Taleefanka.

Ugu horrayn Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay jiraan maxaabiis xukunkoodu dhmmaaday oo xabsiyada dalka ku jira, ayaa yidhi. “Arrintaasi haddii ay hore u jiri jirtay waxay soo afjarantay markii xukuumaddii hore ee Kulmiye talada dalka la wareegtay, muddadaa labada xukuumadood ee Kulmiye ay dalka hoggaaminayeenna ma jiraan dad maxaabiis ah oo xukunkoodii dhammaystay oo sii xidhan, sabab aanu u haysanaana ma jirto maxbuus xukunkiisii dhammaystay.”

Taliyaha oo ka hadlayay sida ay maxaabiista wax u baraan, ayaa yidhi. “Muddo imika waxaa xabsiyada dalka oo dhan ka socda oo ka hir galay waxbarasho ay iska kaashadeen wasaaradaha waxbarashada iyo caddaaladda, taliska ciidanka Asluubta iyo Jaamacadda Beder, waxbarashadaasina way hir gashay, waanay socotaa, qorshuhuna waxaa uu yahay in maxaabiis waxbartay oo tacliin leh in ay inoo soo noqdaan oo mudada ay xidhan yihiin ay waxbarsho helaan, waana dedaal aad u wayn oo xukuumaddu ku dhisayso aqoonta maxaabiista.”

Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Somaliland sarreeye guuto Xasan Cali Cawad (Xasan Cali Dheere), ayaa shalay dhagax dhigay xabsiga haweenka ee degmadda Salaxley. Waxaana munaasibadii dhagax dhiga goob joog ka ahaa taliye qaybeedka saldhiga degmadda Salaxley, xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaasi iyo dadweyne kale.

“Aniga oo ka wakiila wasiiradda cadaalada iyo taliyaha guud ee ciidanka asluubta waxaan maanta (shalay) soo dhagax dhigay xabsigii haweenka ee degmadda Salaxley yeelan doonto, dhameystirkiisii cid naga caawisay ma jirto hadday hay’add tahay iyo hadday cid kale tahayba, hase ahaate waa mid aanu ka bixineyno miisaaniyadayada, wixii kale ee naga awood batana dawladda ayaanu la kaashan doonaa, xabsiyaddan aanu wadno waxaanu uga shidaal qaadaneynaa amarkii madaxweynaha qaranka ee uu ku dhiirigalinayay bulshadu marka ay wax-qabsadaan, sidaasi darteed anaguna taasi ayaanu fulineynaa, xabsigani waxaa uu noqon doona mid aanu ku dhino xabsiyadda kale ee dalka maxaabiista ku jirta, waxaanu si weyn uga qayb qaadan doona horumarka, nabadgeliyadda, waxaanu qaadi doonaa xabsiga haweenka ee Salaxlay konton haween ah oo helaya dhammaan adeegyadii ay xabsi uga baahnaayeen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply