Gudida Nabad-geliyadda Gobolka Maroodijeex oo Daboolka Ka Qaaday Go’aamo Xuska 18-may Ah

0
507

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Marroodijeex mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay u diyaar-garoobay xuska maalinta qaran ee 18-ka May.

Waxaa kale oo uu Guddoomiyuhu bulshada kula dardaarmay in qof waliba goobta uu joogo uu yeesho feejignaan dheeraad ah, oo la xidhiidha illaalinta iyo sugista amniga.

Waxaanu sidan ka sheegay kulan uu la yeeshay gudida nabad-geliyada ee gobolka Maroodijeex.

Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxaa uu yidhi “Fariinta dadweynaha aanu u direynaa waxaa weeyaan inay u diyaar-garoobaan munaasibadda maalinta qaran ee 18-ka May, ahna munaasibadii qarankii, iyo inay ilaaliyaan nabad-geliyadda, bulshada reer Somaliland qof waliba meesha uu joogo inuu feejignaan dheeraad ah sameeyo sidii uu u ilaalin lahaa nabad-geliyadda, iyo in anshaxa wanaagsan la ilaaliyo maadaama aynu bishii barakeysneyd ee Ramadaan aynu ku jirno, dhalinyaradu yaanay sameynin maalinta 18-ka May wax nabad-geliyada inaga xumeynaya oo waxyeelaya, iyo wax wax u dhimaya soonkeena”

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay “Dhammaanteen gacmaha ayaynu is qabsaneynaa shacab iyo dawladdba si aynu u ilaalino maalinta qiimaha badan inoogu fadhida ee qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo

guud ahaan amniga dalkeena”

Leave a Reply