Maareeyaha Madbacadda Qaranka oo Soo Bandhigay Waxyaabihii u Qabsooma

0
916

Hargeysa (Dawan):- Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim ayaa ka hadlay waxqabadkii u hirgalay muddadii uu xilka hayay oo ah muddo kooban

Maareeye Raage oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ka shaqeeyey muddadii uu joogay sidii uu dhaqaalaha madbacaddu u fadhiisan lahaa isla markaana mushaharka shaqaaluhu aanu bilna waayi lahayn.

Maareeyaha Madbacadda Qaranku wuxuu sheegay inay dawladda u qabtaan adeegga daabacaada dhukumantiga lagu qaado cashuuraha ee Dawladaha Hoose ee dalka iyo xukuumadda dhexeba, waxaanu ballanqaaday inay ku filan yihiin waajibka ay qaranka u hayaan.

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Madbacadda qaranku waxaa ay u xilsaaran tahay hubinta iyo xafidaada xogta dawladda, iyo horumarinta adeega daabacadeed, ee dawladda iyo hay’addaha madaxa banaan, waana halbowlaha xidhiidhayaha dhammaan xogaha ay leedahay dawladdu”

Maxamuud Raage wuxuu intaas ku daray in iyagoo ka faa’iidaysanaya siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ku dedaaleen sidii ay madbacaddu dib ugu heli laheyd adeegyo daabacaadeed oo hore loogala tegay madbacadda Qaranka, kuwaas oo uu xusay in qaarkood ay dib ugu soo noqdeen madbacadda “Waxaay u shaqeysa oo hada shaqo hufan u qabataa oo aan ugu imid iyadda oo shaqeyneysa madaxdeeduna ay halkan fadhido islamarkaana ay si fiican u xidhiidhinayeen hay’addahaa ay ka mid tahay wasaaradda maaliyadda, garyaqaanka guud, baanka dhexe, dhamman wakaaladdaha biyaha ee dalka, dawladaha hoose ee dalka, xogaha ay ku shaqeeyaan waxaa daabacaada madbacadda qaranka Somaliland, hay’addo dawladeed oo hore uga wareegay ayaa hada xogahoodii iyo Ducumentiyadoodii dib ugu soo celiyay madbacadda Qaranka Somaliland iyaga oo ka duulaya soo celinta hantida Qaranka, hawshaasina mudadii afarta bilood ahayd ee aan joogay si wanaagsan ayay u socotaa, qaar soo xarooday iyo kuwa dhimanba way leeyihiin.”

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay “Waxaa ugu mihiimsan ee aan culeyska saaray waxay aheyd xaqiijinta in madbacadda dhaqaalaheedu fadhiisto, iskuna filaato mushaharaadka shaqaalahana si fiican oo toos ah loo bixiyo oo habayaratee aanay maalina dib uga dhicin, madbacada Qaranka maanta qalab wanaagsan ayaa yaalla, oo dawladihii hore iibiyeen, qaarkoodbaa yar xumaa iyagana waanu tayeynay, si weyna waxaan ugu mahad naqaya shaqaalaha gacanta igula haya adeegaasi”ayuu yidhi maareeyaha madbacada Qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim

Leave a Reply