Hay’adda Barakacayaasha iyo Islamic Relief Raashin ugu Qaybisay Hargeysa Qoysas Danyar ah

0
574

Hargaysa (Dawan): hay’adda qoxoontiga iyo Barakacayaasha Somaliland iyo Hay’adda Islamic Relief ayaa shalay raashin caawimo ah gaadhsiiyay 795 oo qoys oo ku nool sadex xaafadood oo ka tirsan caasimadda Hargeysa

Raashinkaasi ayaa qoysaskaasi loo sii qaybin doonaa muddo saddex maalmood ah. kuwaasoo ah qoysas deggan xaafadaha kala ah State House-ka ee magaaladda Hargaysa, Ayax afar, iyo kuwa ku nool Ayax sadex.

Masuul ka tirsan hay’adda Islaamic Relief, oo goobtii ay raashinka ku qaybinayeen ka hadlay ayaa sheegay in tiradda qoysaska ay raashinka u qaybiyeen ay tahay 795 qoys.

Waxaanu intaas raaciyay masuulka u hadlay Islaamic Relief in qoys kastaba la siiyay 7 nooc raashin ah. raashinkaas oo loogu talo galay in qoysaskaasi ay isticmaalaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Raashinkan loo qaybiyay qoysaska danyarta ah ee ku nool saddexdaa xaafadood oo ka mid ah magaaladda Hargaysa, ayaa ka mida raashin ay sanad kastaba hay’ada Islaamic Relief u qaybiso qoysaska danyarta ah, wadanka oo dhan.

Agaasimaha waaxda barakaceyaasha ee hay’adda qoxoontiga Somaliland ayaa hay’adda Islaamic Relief uga mahad naqay kaalmadan raashinka ah ee ay soo gaadhsiisay qoysaska danyarta ah.

Geesta kale masuul u hadlay Islaamic Relief ayaa sheegay in raashinkaas caawimadda ah ay ka qaybiyeen degaamo kala gedisan ee ku xeeran caasimadda Hargaysa, sida degmadda Salaxley, qoysas ay tiradoodu gaadhayso ilaa 400 oo qoys.

Waxa kaloo uu intaas raaciyay masuulka u hadlay Islaamic relief in caruurta derbi jiifka ah iyagana caawimo ay u qaybin doonaan maalmaha soo socda iyo dadka barakaceyaasha ah ee magaalooyinka kale ku nool.

Tiradda guud ee qoysaska ay u qorshaysan tahay in Islamic relief ay kaalmo raashin ah gaahsiiso bisha Ramadaan ayuu masuulkaasi ku sheegay in tahay 1945 qoys.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply