Lixdan sanno ayaa kasoo wareegtay waqtigii ay reer Somaliland inta ay ceynka, beydda iyo rarkiiba ku giijiyeen awrtoodii u xidhiidhsadeen sahan la’aan dhul iyo dad aanay midkoodna aqoon hore u lahayn, marka laga reebo magaca guud ee ahaa waa dhul Somaaliyeed, balse wax dhib ah umay arkeen aqoon la’aantaasi, maadaama oon keli ku ah u qabeen in mar uun magaca Soomaali iyo dhulka ay degaanba hal meel layskugu keeno, si iyagana berri loogu xuso taariikhda inay ahaayeen horseedkii isu soo ururrinta dhulka iyo inta wadaagta magaca Somaali.
Si kastaba ha ahaatee Awrtii rarka la ciirciireysay ee geeddiga dheer soo gashay, markay iyagoo daallin soo gaadheen Muqdisho oo xarun u ahayd dhulka Geeddigu usoo guuray, ayaa halkii ay ka sugayeen in sacab iyo mashxarrad lagu soo dhaweeyo oo awrta rarka lagala dejiyo carruurta iyo inta jilicdsan loo waraabiyo, ayaa iyagoo aan awrtiiba ka dejin lagu bilaabay oo lagu yidhi,[ Alloore, ma muus iyo canbaad soo doonateen?] waxana loo sii raaciyey af-talyaan cay ah, waxase nasiib wanaag u ahayd in aanay hal erayna ka aqoon afafka Tayaaniga, ka Yaxaaska iyo Jeerta toona.
La yaab may lahayn iyagu oo aragtidaa may ahayn badankoodu, waxana caddeynaya sida aanay hees kaliya ugu lahayn kuwii la tiriyey xilliyadii xornimadoonka, sidoo kalena aqoonnahadii halganka dheer u galay in la mideeyo dhul-weynaha Somaalida ee kulannada Madaxda dunida isugu timaada ka doodi jiray waxa ay ahaayeen reer Somaliland illaa iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa oo 1948kii uu Meykal Mariamo ahaa qofkii u doodayey Soomaalida, balse cidda qudha ee damqashadaasi haysay reer Somaliland ayey ahaayeen, balse maba xumee, waxa lagu salliday oo lagu lammaaneeyey dadkeena wax hubsasho la’aan iyo fudeyd badan aanu qaarkii waxba ka hooseyn waalliyaha qaarkood.
Dadka sidaa loogu abaalgudayey, waxa ay iska soo furfureen Guri laba daryaale ah oo Boqortooyada Ingiriis ay ka xorreysteen, iskana direen 26kii June 1960kii, kaasoo oo ay jibbbo Soomaaliyeed oo haysay darteed uga soo guureen iyagoo aan xataa ku gaadhin toddoba baxii, iyadoo horena Ingiriiskii ay maxmiyadda u ahaayeen uga diideen talooyin badan oo ay ka mid ahaayeen in dawladnimada uu usii tababarro muddo, maadaama uu Talyaanigu usii laylyey oo 6 sanno ay maamulka dawladda gacantood ku wateen Somaalida ay u ooman yihiin inay wax isku darsadaan.
Reer Somaliland u hilowgii jaceylka Somaalinimo ee ay u hibeeyeen xornimadoodii iyo madaxbannaanidii ay ka qaateen dalka Boqortooyada Ingiriiska oo Afar cisho kadib, 26kii June 1960kii iskood ugu biireen Somaaliyadii uu gumeysanayey Talyaanigu maalintii Xorriyaddooda oo ku beegneyd 1dii Luulyo 1960, ayaa abaalgud looga dhigay in loo diido saamigii dawladnimo ee ay xaqa u lahaayeen iyo sidoo kale in laalo dhammaan xusidda taariikhihii halgan ee ay lahaayeen dadka reer Somaliland.
Haddaan soo koobo oo aan xusno dhawr ka mid ah kuwii ugu mudnaa, inaan loo dabbaalegin 26ka June oo lagu koobo 1da Luulyo oo ah maalintooda, in la xuso magacyadii xubnihii halganka ee SYL, kuwii SNL ee dhinaca Somalilandna aan la soo hadal qaadin iyo inaan laga xusay saaxadaha halganka dadkii reer Somaliland ee u shahiiday xornimadii Somaliland ee ay heleen 26kii June 1960kii, halka taallooyin looga sameeyey Xaawa Taako, Xalane iyo qaar kaloo badan.
Haddaba, iyadoo ay jiraan intaa aan soo xusay iyo waxyaabo kale oo badan oo hadda qoraalkan koobani aanu ii saamaxeyn inaan ku soo wada bandhigo, ayaa waxan ka maqallaa Madaxda Muqdisho mar allaale marka xuska 26ka June oo ah maalintii aan ka hoos baxnay maxmiyaddii Ingiriiska durbaano iyo guddiyo ay u magacaabayaan qabashada xuska 26ka June. Waa yaab iyo iskaga dheel-dheelid ama jilid, waayo markay wax iskugu keen jireen ee aan halka dal ee la odhan jiray Jamhuuriyadda Somaaliya iyo halka Dastuur wada lahaynba lagama soo hadal qaadin jirine, maanta oo aad idinkii shan Madaxweyne iyo shan dal kala yeelateen, xusidda 26kii June maxaa idiinka shan iyo toban ah? Ma been aad Caalamka ka iibineysaanbaa oo ka mida kuwii laydinku bartay? Mise waa xus idin idin mideynaya oo dib idiinku soo celinaya Laandyad-ii canjilka idinka ahaa ee idinka kala yaacabaa? Mise waa dhako kale?
Waxan idiin sheegaynaa inaan idin fahamnay, khiyaano dembe iyo dabbino dembe oo la noo qoolay oo aan dalaq iska soo odhaneyno ha filanina, beer-laxawsina kaga heli-meysaan dadka reer Somaliland xus hadda aad u qabataan 26ka June ee lacagta faraha badan ee aad ku bixineysaan fadlan ilaahay ka yaaba oo wax ugu qabta kuwa darxumada la jiifa daafaha Muqdisho ee bilaa hoyga ah ee qatan ee qaawan ee kasoo barakacaya hadba goobaha dagaallada.
Dawannews Hargeysa office