“Dadkeenu Wuu Midaysan Yahay Ictiraafkuna waa Halkaas oo Looga sii Dhawaado”

0
429

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa uga mahadnaqay dalka Jamhuuriyadda Guinea sidii ay u soo dhaweeyeen weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe, waxaa kale oo uu intaa ku daray in dadka Somaliland mid yahay oo ay ka midaysan yihiin taageerada iyo is garab taagga ay Madaxweynaha ku garab taagan yihiin socdaalkii shaqo ee dhawrka maalmood qaatay ee madaxweynaha iyo weftigiisu shalay ay soo dhammaysteen.

Guddoomiyaha UCID oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo dhawaynayay weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland, ayaa yidhi. “Maanta (shalay) waa maalin wayn, gidaar wayn ayaynu jabinay, waxaynu u mahadnaqaynaa waddanka Guinea iyo dadkiisa sida gobanimada leh ee ay u soo dhaweeyeen weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayay, wadamada kalena waxaan leeyay ku soo dhiirada oo wadadaa mara, Somaaliya haba yaratee kama jirto dawladi. labo dal ayaynu ahayn Somaliland iyo Soomaaliya,”.

Waxaanu intaa ku daray Guddoomiye Faysal isaga oo hadalkiisa sii wata in dadka Soomaaliya ee cadaawadda u haya Somaliland in ay yihiin inta fadhida Fiilo Soomaaliya oo ka xun horumarka Somaliland iyo waxay qabsatay laakiin aanay kula socon dadka Soomaaliya oo dhammi. “Hadaynu reer Somaliland nahay waxaynu wax ku dhisanay midnimo iyo isku tanaasul oo aan halkan ku soo gaadhnay ictiraafkeenuna waa halkaa oo looga sii dhawaado, dadkeenu maanta waa midaysanyahay waxa ina mideeyay cadaawada iyo xasadka dadkaa Soomaaliya qaar kood Soomaaliya oo dhan maaha waa in yar oo vila Soomaaliya fadhida.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply