Shacabka Hargaysa Oo Aan U Kala Hadhin Soo Dhawayntii Weftiga Madaxweynaha Somaliland

0
711

Hargaysa (Dawan): Weftigii u hogaaminayay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo muddo  safar shaqo ugu maqnaa dalka Guinea Konokry ayaa shalay si  balaadhan loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargaysa.

Soo dhawaynta madaxweynaha waxaa ka qayb qaatay madaxweyne ku-xigeenka, shir-guddoonka baarlamaanka, wasiirro, hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka, siyaasiyiin, xildhibaano, taliyeyaasha saddexda ciidan qaran ee milateriga, booliska iyo asluubta.

Madax dhaqameed, kumanaan shacabka Hargaysa ka mid ah oo isugu jiray dhalinyarro, haween iyo dadweyne kale oo u badnaa dhalinyarro aad u qiiraysnaa oo ay wejiyadoodda ka muuqatay siday ugu faraxsan yihiin guusha weftiga madaxweynuhu ka soo hooyay safarkii uu Guinei ku tegay.

Markii weftiga madaxweynuhu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa waxaa halkaas kaga hor tegay kumanaan dadweynaha caasimadda Hargaysa ah iyo masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray siyaasiyiin iyo madax dhaqameed.

Kadib markii madaxweynuhu uu warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Hargaysa, kadib waxa uu soo raacay baabuur gurro-banaan ahaa, isagoo gacan ku salaamayay kumanaan dadweyne ah oo safaf dhaadheer ugu jiray soo dhawayntiisa.

Kuwaasoo taxnaa madaarka diyaaradaha Hargaysa ilaa xarunta madaxtooyadda, isla markaana ruxayay calanka Somaliland iyo caleemo qoyan. Iyadoo ay dadweynahaasi oo aad u xamaasadaysnaa ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku soo dhawaynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa.

Halka ay sidoo kale qaar ka mid ahaa kumanaankii dadweynaha ahaa ku dhawaaqayeen hal-ku-dhegyo ay ku cabirayeen siday uga xun yihiin hadalkii ay dawladda Muqdisho xidhiidhka ugu jartay dawladda Guinei Konokry oo madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa si weyn u soo dhaweeyay.

Dadweynahaasi oo u badnaa dhalinyaro ayaa subaxnimadii hore ee shalay soo buux dhaafiyay jidka hal-bawlaha ah ee dhex mara caasimadda Hargaysa gaar ahaana jidka tagga ama ka yimaadda garoonka diyaaradaha Hargaysa, ilaa xarunta qasriga madaxtooyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa soo dhawaynta weftiga madaxweynaha si weyn uga dhex muuqday ardayda dugsiyadda dawladda oo ku lebisnaa dirayskoodii, isla markaana sitay boodhadh ay ku soo qoreen erayo ay ku muujinayeen soo dhawayntoodda.

Geesta kale Sabtidii ilaa Axadii shalay waxaa wadooyinka magaaladda Hargaysa la sudhay oo si weyn uga babanayay calanka dalka jamhuuriyadda Guinei Konkry, iyadoo boodhadhkaasi lagu xardhay  hal-ku-dhegyo lagu muujinayay sida ay shacabka Somaliland ugu faraxsan yihiin soo dhaweyntii qiimaha lahayd ee madaxweynaha iyo dawladd Guinei ay u sameeyeen madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayay.

Boodhadhkaasi oo ay ku qornaayeen erayo koob-kooban oo ku qornaa luuqadda Ingiriisiga ayaa lagu cadeeyay siday qiimaha leh ee ay dawladda Guinei u qaabisha weftiga Somaliland iyo sidii aan gabashadda lahayn ee ay ugu jawaabtay maamulka taagta daran ee Muqdisho.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply