Madaxweynaha Somaliland oo si Adag Ugu Jawaabay Dawladda Muqdisho Kana Warbixiyay Safarkiisi Guinei Konokry

0
52

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii ay dawladda federaalka Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay dawladda Guinea Konokry xili ay ku sugnaayeen wefti uu hogaaminayay madaxweyne Biixi.

Waxaanu sheegay in tallaabadaasi ay Somaliland u muujinayso colaad iyo godob aanay ilaawi doonin shacabka iyo dawladda Somaliland, isla markaana ay u arkaan dagaal cusub oo ay Soomaaliya bilawday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar afar shan maalmood qaatay oo uu ku tegay dalalka Guinei Konokry iyo Itoobiya. Iyadoo si weyn weftiga madaxweynaha loogu soo dhaweeyay Hargaysa.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horayn dhamaanba shacabka Somaliland, xisbiyadda qaranka iyo labadda gole qaran dal jacayl iyo dareenkoodda feejigan ee ay kaga jawaabeen hadalkii xanafta lahaa ee ka soo yeedhay dawladda taagta daran ee Muqdisho.

Madaxweyne Biixi oo faahfaahin ka bixinayay safarkii uu ku tegay Guinei Konokry iyo kulamo uu masuuliyiin kala duwan la yeeshay markii uu sii marayay Itoobiya, waxa uu yidhi “Weftiga aan hogaaminayay waxaanu socdaal rasmiya ku soo marnay dalka Guinei Konokry, waxaanu sii marnay dalka Itoobiya. Waxaanu kala kulanay labadda wadan ba wax wanaagsan iyo yuhuun fiican iyo qadarin.

Dalka Itoobiya waxaan joognay wakhti aad u yar oo 24 saacadood ah. intii aan Itoobiya joognay waxaan la kulanay labadii wasiirr ee ugu waaweynaa Itoobiya, ee arrimaha dibadda iyo maaliyadda. Waxa kaloo telefoonka nagula soo hadlay isagoo kormeer ku jiray taliyaha cusub ee ciidamadda Itoobiya oo dhan xukuma.

Taasina waxay muujinaysaa qadarinta iyo milgaha Somaliland loo hayo. Waxa kaloo aan la kulanay oo aanan ku tallo gelin wasiirka arrimaha dibadda dalka Chad, oo aanu wakhti wada qaadanay, oo aanu ka wada hadalnay qadiyadda Somaliland, wax badan-na aanu uga iftiiminay”.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in madaxweynaha dawladda Guinei Konokry uu si wanaagsan u soo dhaweeyay, isla markaana uu u balan qaaday in uu qadiyadda Somaliland hor gayn doono ururka midawga Afrika.

Waxaanu yidhi “Dawladii aanu u tagnay, si weyn ayay noo soo dhawaysay. Waxaanay guddoonsatay in ay qadiyadeena keento ururka midawga Afrika. madaxweyne Alpha-na wuu ku bilaabay, hiilna wuu ku haystaa. Afrika galbeed arrinta Somaliland waxay doonaysaa in ay ka hawl gasho. Ninka arrintaa galay isku diin ma nihin, isku af ma nihin, diirka madaw ayuun baa inaga dhexeeya.

Kii aynu is dhex gal iyo isku dhaqan iyo seedi iyo xidid ahayna waxaas ayuu inoo quudhay. Waana laba arrimood oo kala fog”.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu jawaab ka bixiyay tallaabadii ay dawladda Muqdisho xidhiidhka ugu jartay dalka Guinei oo uu ku tilmaamay in ay u arkaan cadaawad iyo godob aanay marnaba shacabka Somaliland ilaawi doonin.

“Dalka Guinei Konokry oo ka mida dalalka Afrikadda Galbeed ugu da’da weyn, oo uu hogaamiyo nin oday ah oo konton sanadood siyaasadda ku soo jiray, oo sharciga bartay, Alpha Corde’. Madaxweynaha dalka Guinei Konokry waa nin aaminsan mabda’a hanti-wadaaga, waxaanu ka mid ahaa raggii u soo halgamay xoriyadda dalkiisa.

Si wanaagsan ayuu noo qaabilay madaxweynaha Guinei Konokry. Kadib na weerarka qoladda Xamar ayaa yimid, culays badan ayay meello badan kala kulmeen oo Talyaanigu ugu horeeyo, oo u dageeyay qoladda Muqdisho. Madaxweynaha Guinei uma dabcin culaysyadda la saaray.

Shalayna (doraad) markii uu tegay shirkii ururka midawga Afrika, lama uu gab ee wuxuu yidhi Somaliland xaq bay u leedahay gooni isu taageedda, waana arrin inaga (midawga Afrika) inoo taalla”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Mar uu ka jawaabayay hadalkii dawladda Soomaaliya ee ay xidhiidhka ugu jartay dalka Guinei, waxa uu yidhi “Weedha ka soo yeedhay Xamar, laba qodob ayay daaran tahay waana laba godobood. Midi iyadoo uu iyagaba ilaaliyo ciidan shisheeye, ayaa waxay maageen dawlad ilaa iyo lixdankii xor ahayd, oo dhaqaalaheedu sanadkiiba 8% uu kordho, oo dadkeeduna 10 milyan uu yahay, oo horumar weyn samaynaysa ayay ku yidhaahdeen side ayaad gurigaaga Somaliland ugu casuuntaa.

Taasina waa godob ay ka galeen Guinei Konokry, iyaga ayaana iska celiyay oo intii iyo in ka badan ba way yeeleen. Godobta labaad waa Somaliland, oo markay leeyihiin maxaad ugu soo dhawayseen Somaliland ma gaydo maasuuska intaa le’eg. Waxaan la yaabanahay ragga ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ee sidaas ku tashaday, marka hore godobta intaa le’eg waxa ku kalifaya, ee ay ugu badheedheen waa la is waydiinayaa”.

“Marka labaad waa rag soo wada joogay sodonkii sanadood ee u danbeeyay wixii ka dhacay dalka iyo Somaliland wixii loo gaystay dad xog ogaal u ahna way yihiin dhamaantoodba. Garan maayo iyagoo taa hore qaybay waxay tanna ugu dareenn. Waa ta saddexaade Somaliland taariikhdeedda way yaqaanaan, oo meel walba way ku qoran tahay, oo way ka war hayaan.

Dalkii la odhan jiray Soomaaliya ee berigii hore aynu ka midka ahayn inta taariikh lagu faano miisaankeedda Somaliland ayaa lahayd. Ma jirin dal kale oo Afrikaan ah oo ku yidhi isticmaarkii u yimid Badda ayaan wax idinkula saxeexanaynaaye, dhulka waxba idinkula saxeexan mayno. Ma jirin dal Afrikaan ah oo yidhi dadkaaga ayaanay ku dhalin dalkayaga.

Ma jirin dal kaloo ku yidhi isticmaarkii marka aanu doono xoriyadayadda waanu helaynaaye anaga nama gumaysanaysid oo taa heshiis ayaynu ku nahay. Saddexdaas qodob waxay u gaar yihiin Somaliland, lama wadaagto qoladda Koonfureed”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan garan waayay halka ay ka hindiseen Somaliland ma geydo milgahaasiye maxaa sidan loogu maamuusay. Anagoo ay taariikhdayadda sidaas u garanayaan, oo tii u danbaysana ay wixii ka dhacay ogaayeen, sidee ayay eraygaa u heleen? Waanu ka dagaalamaynaa. Arrin baanu kaga dagaalamaynaa, af-baanu kaga dagaalamaynaa, qalin baanu kaga dagaalamaynaa, haddii loo baahdana cudud ayaanu kaga dagaalamaynaa.

Maanta Somaliland loo biqi maayo. Soomaali soo hawaysanaysaana ma jirto. Haddii dhalinyarooy ay awoowyaashiin ay Ingiriis Badd wax kula saxeexdeen, haddii awoowyaashiin uu Ingiriis diyaaraddo ku weeraray, la idiinka biqi maayo maanta idinka. Waanan ku iimaan qabaa in aan la idin soo hawaysanaynin.

Arrintu sow uma eka mid ay koonfur oo dhan isku raacsan yihiin? Midnimadda la doon doonayaa ma taasay ku imanaysaa? Ma qaadan karno maanta taasi haddii aynu Somaliland nahay”.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here