Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa soo jeediyay in xukuumadda lagu garab istaago wax ka qabashada colaadda Ceel-afweyn ku dhex martay beelaha walaalaha ah oo soo noq noqotay isla markaana marar badan nabad laga gaadhay laakiin aan wali dhammaan. Waxaanu intaa raaciyay in aanay maanta furnayn in la is dhaliilo laakiin loo baahan yahay in dhiigga daadanaya la joojiyo oo laga wada gurmado sidii colaaddaas nabad looga gaadhi lahaa. Xildhubaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawlad iyo shacabba waa laysku tegay sidii loo soo afjari lahaa colaadaas labadaa beelood ee ku dagaalamay deegaanka Ceel Afwayn muddo badan ayaana lagu noqnoqonayay, wixii wanaag lagu baadi goobi jiray waa lagu dayay, waana mushkilad iyo aafo inagu socota, maalin walbana waxaynu arkaynaa in ay soo noqnoqonayso. waana in dhinac looga soo wada jeedsado cidii dhibaatadan keentay hadday tahay tallaabada laga qaadayo waa in qaranka lagu garab istaago oo dhinac looga soo wada jeedsado waana in go’aan adag la qaato oo qofkii qof dilana loo dilo, wakhtigii lays dhaliilayay ma joogno dhiigaa daadanayaa in wax la dhaliilo maaha ee waa in fikirka ay wax ku hagaagayaan ee wax lagu xalin karo in la soo jeediyo,anigu garan maayo waxaan ugu jawaabo ninka leh waxba lagama qaban arintaa Ceelafwayn ee aynu ogayn ummadii ka gashay hadday sheekh tahay iyo haday shariif tahay.”. Waxaa kale oo uu ka hadlay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo uu xildhibaanku soo jeediyay in dib wax la iskaga waydiiyo oo Somaliland go’aan ka qaadato. “Haddii ay dhamaan wayday in si nabdoon aynu u wada hadalno labo dal oo jaarana aynu noqono Soomaaliya oo aynu kala tagno ninka gidaar ka soo qaylinayaa majirto wax uu yeeli karo Somaliland, waxaanan aaminsanahay in aynu dib uga fiirsano oo wax layska waydiiyo wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo aynu adduunyadaa kale la macaamilno.” Dawannews Hargeysa office

0
537

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa soo jeediyay in xukuumadda lagu garab istaago wax ka qabashada colaadda Ceel-afweyn ku dhex martay beelaha walaalaha ah oo soo noq noqotay isla markaana marar badan nabad laga gaadhay laakiin aan wali dhammaan.

Waxaanu intaa raaciyay in aanay maanta furnayn in la is dhaliilo laakiin loo baahan yahay in dhiigga daadanaya la joojiyo oo laga wada gurmado sidii colaaddaas nabad looga gaadhi lahaa.

Xildhubaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawlad iyo shacabba waa laysku tegay sidii loo soo afjari lahaa colaadaas labadaa beelood ee ku dagaalamay deegaanka Ceel Afwayn muddo badan ayaana lagu noqnoqonayay, wixii wanaag lagu baadi goobi jiray waa lagu dayay, waana mushkilad iyo aafo inagu socota, maalin walbana waxaynu arkaynaa in ay soo noqnoqonayso. waana in dhinac looga soo wada jeedsado cidii dhibaatadan keentay hadday tahay tallaabada laga qaadayo waa in qaranka lagu garab istaago oo dhinac looga soo wada jeedsado waana in go’aan adag la qaato oo qofkii qof dilana loo dilo, wakhtigii lays dhaliilayay ma joogno dhiigaa daadanayaa in wax la dhaliilo maaha ee waa in fikirka ay wax ku hagaagayaan ee wax lagu xalin karo in la soo jeediyo,anigu garan maayo waxaan ugu jawaabo ninka leh waxba lagama qaban arintaa Ceelafwayn ee aynu ogayn ummadii ka gashay hadday sheekh tahay iyo haday shariif tahay.”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo uu xildhibaanku soo jeediyay in dib wax la iskaga waydiiyo oo Somaliland go’aan ka qaadato. “Haddii ay dhamaan wayday in si nabdoon aynu u wada hadalno labo dal oo jaarana aynu noqono Soomaaliya oo aynu kala tagno ninka gidaar ka soo qaylinayaa majirto wax uu yeeli karo Somaliland, waxaanan aaminsanahay in aynu dib uga fiirsano oo wax layska waydiiyo wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo aynu adduunyadaa kale la macaamilno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply