Wasaarada Hawlaha Guud,Guryeyta Iyo Dhulka Oo Maalintii Saddexaad Hawlgalo Lagu Hagaajinaayo Qaab Dhismeedka Laascaanood Ka Wada Magaaladaasi.

0
461

Laascaanood(Dawan)wasaaradda hawlaha guud oo kaashanaysa Dawlada hoose ee Laascaanood ayaa dumisey dhismeyaal ka hor imanaya dib u qorsheynta magaaladaas.

Hawlgalkan ay wasaaraddu dib ugu hagaajinayso Qaab dhismeedka magaaladda Laascaanood ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud , Guryeynta iyo Dhulka  Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi, iyada oo maanta la dumiyey dhismeyaal ay lahaayeen muwaadiniin reer Laascaanood ah oo ay wadadu kusoo beegantay.

Muwaadinkii lahaa  guryahaasi ay wadooyinku mareen ee maanta la dumiyey oo ka hadlay duminta guryahan ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay hawlgalkan ay wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland ka wado magaaladda Laascaanood, isaga oo ku tilmaamay mid cadaalada ku dhisan oo aan cidna dhaafayn, isaguna uu ku qanacsan yahay gurigiisaasi la dumiyey ee ay wadadu kusoo beegantay, waxaanu ugu baaqay shacabka reer Laascaanood in ay iyaguna la shaqeeyaan wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta iyo dawladda Hoose, kalana shaqeeyaan qaabaynta iyo qurxinta magaaladda Laascaanood.

Waxa iyaguna goobtaasi ku sugnaa oo ka hadlay taliye ku xigeenka qaybta 7-aad ee ciidamada Qaranka Somaliland, taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ee gobolka Sool, xubno ka tirsan dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood oo uu hormuud u ahaa maayirka degmada Laascaanood  iyo Badhasaabka gobolka Sool iyo saraakiil ka socotay Wasaaradda Hawlaha guud , Guryeynta iyo Dhulka  Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo uu hormuud u ahaa wasiirka wasaaradaasi.

Masuuliyiintan ayaa sharaxaad ka bixiyey faa’iidada uu Hawlgalkan Dib u habaynta  iyo Qurxinta  hab dhismeedka magaalada Laascaanood uu u lee yahay magaaladaasi Laascaanood.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud , Guryeynta iyo Dhulka  Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ugu dambayntii halkaasi ka hadlay ayaa ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadweynaha degmada Laascaanood oo uu sheegay in ay si weyn ugala shaqeeyeen dib u habaynta iyo Qurxinta hab dhismeedka magaaladda Laascaanood.

Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey Cabdikhadar Ibraahim Ashkir oo ahaa muwaadinkii gurigiisa ay martay wadada ay wasaaradda Hawlaha Guud ,Guryeynta iyo Dhulku ay ka banaynaysay magaaladda Laascaanood.

Leave a Reply