Berbera(Dawan)Waftigii uu hogaaminaayey badhasaabka gobolka Saaxil ee maalmihii ugu dambeeyey socdaalka ku maraayey degaano hoos yimaada gobolka Saaxil ayaa soo gebo gebeeyey socdaalkoodii.
Waftigan ayaa safarkoodii ugu dambeeyey ku tegey degaano ku yaala Galbeedka degmada Sheekh, gaar ahaana degaanadda Go’da weyn , Go’da yar iyo Kaldhadhaab , iyada oo dadka degaanadaasi uu maraayey waftiga uu hogaaminaayey Badhasaabka gobolka Saaxil ay si weyn usoo dhoweeyeen waftigaasi.
Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan iyo xubnihii safarkiisa ku wehelinaayey ayaa shacabka kala hadlay goobo fagaareyaal ah, iyaga oo uga xog waramay safarkoodan iyo ujeedka uu daaran yahay, waxaanu sheegay badhasaabka gobolka Saaxil in socdaalkiisu salka ku hayo sidii uu u ogaan lahaa baahiyaha iyo xaaladda dadka ku nool degaanaddan, waxna ay ka qaban doonaan markay baahiyahaasi ogaadaan kadib .
Waxaanay guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo waftigiisani intii ay ku jireen socdaalkaasi waxa ay dhagax dhigeen fasalo cusub oo lagu kordhin doono dugsiga Go’da yar.