WEEDHA WARGEYSKA Arrinta Ceel Afweyn Ka Fog Dagaal Beeleed

0
467

Wax kasta oo soo noqnoqda oo cillinkeeda la saari waayo xataa hadday Culimo quraan saarto, sida arrinta degaanka Ceel-afweyn oo kale, waxaan shaki lahayn in xalku aanu ool meelaha laga raadinayo, balse ku xidhan yahay meelo kale oo ka fog, kuwaas oo mar kasta kaa daba furaya xadhig kasta oo aad isleedahay waad giijisay oo dib u kala furmi maayo.

Maaha xaajo la yaab leh amase ugub ku ah nolosha ee waa mid aan la kulano ama maqalno maalin kasta, waxana ka mid ah sida Nin iyo Afadii oo mararka qaar loo caal waayo arrintooda, haseyeeshee mar khubaro hesho iyo kol ay bannaanka usoo baxdaba mar dembe, ayaa la ogaadaa in meesha xadhigoodu ka xidhmi la’yahay tahay xagga qoysaskooda. Intaa wixii ka dembeeya xal waara oo aan soo noqnoqod dembe lahayn baa lagu soo af-jaraa wixii dhexdooda yaalay.

Beelaha Somaliland wada deggan, waxa ay dhaqan u leeyihiin marka khilaaf dhexdooda ka dhaco ee uu ka gaadho heer dagaal, waxa markaaba soo gaadha ergo gurmad ah oo u socota marka hore joojinta xabbada socota. Wixii intaa ka dembeeya labada geesood waxa laga qaadaa afti ah inay ku kalsoon yihiin ergada dhexdhexaadineysa wixii ugu kala gar-naqaan, taa markay aqbalaan ayaa labada dhinac ee dirirrtu dhextaalo la faraa in gees walba tiro isku mida oo odayaashooda ka mida keenaan madasha, si loo dhaariyo labadoodaba.

Doodaha labada geesood markay ergadu ka bogtaan, ayaa waxa ay ergada dhexdhexaadintu muddeeyaan waqtiga ay labada dhinaca ugu dhaawaqayaan go’aannada xukunka wixii kala gaadhay labada geesood iyo tallaabada dembe ee laga qaadi doono dhinaca kasoo bixi waaya wixii lagu xukumay ama jebiya qodob ka mid ah go’aannadii ay soo saareen ergadu iyo gebagebada oo waano iyo duco ah.

Haddaba arrinta colaadda qaawan ah ee mar walba kasoo cusboonaaneysa degaannada Ceel Afweyn iska dhaaf ergo degaan oo furdaamisa wixii dhexdooda yaall’e, waxa gurmad u galay dhammaan waxgaradkii, Culimadii iyo aqoonyahankii Jamhuuriyadda Somaliland oo gurmad kasoo kala galay min bari illaa Galbeed, kana dhex muuqdaan dhammaan intii magaca iyo maamuuska ku lahayd bulshada Somaliland dhexdeeda.

Haseyeeshee soo af-jaridda colaaddaa Ceel Afweyn wixii maskax, waqti iyo maalgeliyey ee ay Culimada ugu waaweyn ee dalkuna ku fureen, kuna soo khatimeen Bisinka quraanka kariimka iyo casharro ahaa ee la cabsiiyeyba waxba kamay tarin, waayo iyaga waxan dhexdooda yaallaa waa dagaal loo soo hadoodillay [Cover-up] oo cid saddex ugu soo dhex dhuumatay, sidaa awgeed xalku kuma jiro gacntooda.

Haddaan si dhab ah u xidhiidhino, una dhuuxno si aad u qoto dheer dhacdooyinkii lagu badhi-furay heshiisyadii lagu dhexdhexaadiyey labada dhinac ay Kitaabka Quraanka gacanta u saareen, una dhaarteen fulinta dhammaan go’aannadii ergooyinku ku dhexdhexaadiyeen, inay jiraan gacmo kale oo saddexaad oo qarsoon oo ah kuwa mar kasta sii hurinaya fitnadan, haseahaatee si cad uga dhex muuqday dhacdooyinkan ugu dembeeyey.

Dhacdadii naxdinta iyo argagaxa badan lahayd ee ka dhacday degaanka Ceel Afweyn, waxa la fuliyey saacado ka bacdi markay shacbiga reer Somaliland oo dhan u wada jeedaan mucaarid iyo muxaafidba soo dhaweeyeen Madaxweynahooda oo dumiyey derbigii uu lahaa Far-maajo waan ku xidhay Somaliland. Tallaabadaa mideysay niyadda iyo quluubta shacbiga, waxay ahayd mid u quus goysay cadowga Jamhuuriyadda Somaliland oo ah mid habeen iyo maalinba ku foogan la dagaallanka jiritaanka Qaranimo ee dadka reer Somaliland iyo wax kasta oo la xidhiidha midnimadooda, nabadgalyadooda iyo horumarkooda kaleba, waxana hormood ka ah Far-maajaha Muqdisho ee awoodi waayey inuu nabad ku seexiyo oo ku waa-bariiyo dadka Muqdisho ee deggan inta uu ka taliyo.

Dagaalkii shacbiga ee ku jahaysnaa cadowgooda iyo farxaddii iyo qalbi samaantii ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynahooda, ayaa loo diiday in xataa hal habeen ay la seexdaan, waxana markiiba si degdeg badan loo istaadhay fitnada gacanta cadowga ku jirta ee dhex yuururta degaanka Ceel Afweyn, halkaas oo lagu dilay dad aan waxba galbsan, iyadoo ujeeddada uu cadowga ka lahaa tahay kala fogeynta midnimada shacbiga iyo khalkhalinta nabadgalyada guud ee dalka.

Wada jirkii iyo farxaddii shacbiga, ayaa isku beddeshay mar qudha murugo, jahawareer iyo dareeno aan fiicneyn oo qoloba dhinac ay ula dhaqaaqday, waxayna ka qoslisay oo fursad lagaga jeestana siisay cadowga reer Somaliland, waxase isweydiin leh waxa mar kasta oo guul la gaadhaba ay u dhacdo tan oo kale!!! Waxa ka mid ah weerarkii lagu soo qaaday Tuka-raq markii Ciidanka Qaranka loo diray sugidda amniga xuduudaha bariga Sanaag, waxa ku xigay labadii Askari ee isku degaanka galbeed kasoo jeeday ee inta dhexda loo galay la dilay, taas oo uu ahayd mid lagu duminayey sharciga iyo qawaniinta dalka.

Dhacdooyinkaa waxa ugu dembeeyey tan shalay ee Caarre ku soo qaaday bariga Sanaag, isagoo kasoo duulay xagga Maamul gobolkeeda Puntland ee uu kusoo beegay xaaladda ka taagan Ceel Afweyn, saw maaha dhammaan kuwa ka marag kacaya cidda duullaanka ku ah xasiloonideena, dariiqa ay usoo maraan sida tan Ceel Afweyn oo kale iyo cidda ay usoo adeegsadaan oo ah kuwa ay farta ku wada fiiqayaan shacbiga waxgaradkiisu iyo Caarre oo aanay isaga tiisu qarsooneynba.

Marka ay sidaa tahay, arrimaha noocan oo kale ahi ma laha ka gabbasho iyo ka warwareeg, balse waxa lagama maarmaan ah inaan Caarre-na looga daba hadhin meesha gabbaadka u ah, kuwa kale ee loo tirinayo inay yihiin kuwa qoriga dabka leh kula dhex jira dadkana la soo qabto oo hadday ku caddaato la mariyo abaalkooda, si dabka ka shidan degaankaasi aanu u noqon mid wada saameeyey Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Leave a Reply