Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Wareegto uu Soo Saaray Ku Joojiyay Fadhiyada aan Caadiga Ahayn ee Goleyaasha Deegaanka

0
624

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa  wareegto uu soo saaray ku joojiyay dhammaan fadhiyada aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka

Wareegtada wasiirka ayaa lagu sheegay in ay jiraan xildhibaano  wada falal dad iska horkeen noqon kara oo nabad gelyada dalka kahl khal gelin kara.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa warka uu soo saaray waxa uu u dhignaa sidan:-

“Iyada oo lagu jiro sanadkii ugu dambeeyey ee xiliga loo asdeeyey doorashada oo ah 12/12/2019, iyada oo xildhibaanada goleyaasha deegaanada dalka qaarkoodsi khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan mooshino lagu ridayo maayarada dalka, iyada oo xildhibaanadaqaarkood si badheedh ah xad gudub ugu samaynayaan xeerka iyo sharciga dalka, qaab darada iyo xad gudubyada sharciyeediyo waliba kicinta dadweynaha, iyada oo xildhibaanada arimahaas abaabulayaa ay dadweynaha sifo qabiil kicin ugu samaynayaan dadweynaha, taasina ay iska horimaad dadweyne iyo nabad galyo xumo dhaawacaysa nabad galyada guud ee dalka iyo nidaamka dawladnimo.

Hadaba dhamaan gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka dalka waxa la farayaa inaan la qaban Karin kal fadhi aan caadi ahayn oo keenaya mooshin lagu ridayo maayarada iyo maayar ku xigeenada, maadaama oo wakhtigii doorashadu soo dhaw yahay, wakhtigana dalku ku jiro xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in la iskaashado wadajirna looga hortago xaaladaha ina soo wajahay ee cadawgu inoo maleegayo.”

 

Dawannews

Hafgeis Ofice

 

 

Leave a Reply