Qalbiyo Dhib Kasta Ku Sabraya!

0
692

Islaanta Helery Clinton ee tartanka madaxweynaha Maraykanka lagaga guulaystay oo ah gabadha uu qabo Clinton madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa habeen hurdada ka baraarugtay iyadoo ninkeeda Clinton aanu qolka hurdin, aad ayay u naxday.

 

Way soo kacday si ay qolalka kale ee guriga uga soo eegto, waxayna la kulantay isagoo qolka fadhiga jooga oo aad u fikiraya, way soo ag fadhiisatay waxayna ku tidhi “ Maxaa kugu dhacay “?

Clinton ayaa ugu jawaabay “ Aad ayaan u uga werwerayaa inaan ku guulaysan karin jagadii Badhasaabka gobolka”.

Helery ayaa qososhay oo ku tidhi “ Aniguna waxaan kula doonayaa inaad madaxweynaha Maraykan noqoto adiguna waxaad ka fikiraysaa jagadan yar”. Ninkeeda Clinton aya sheegay in habeenkaasi ahaa markii uu niyadda geliyay sidii uu noqon lahaa madaxweynaha Maraykan. Isagoo ugu danbayntii fikradaasi ay gabadhiisu ku dhalisay ku guulaystay. Markii uu guulaystayna wuxu sheegay in arrin uu wax badan ku hamiyay isaga iyo gabadhiisu uu gaadhay.

 

Leave a Reply