Wasiirka warfaafinta oo Dhalinyaradda Ku Booriyay in ay Afkoodda Hooyo Bartaan

0
442

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa dorraad kormeer ku soo maray xarunta Dhaqanka ee Hargaysa oo uu ka socday toddobaadka Buugaagta Caalamiga ah.

Waxaana wasiirka goobtaasi ku soo dhaweeyay Jaamac Muuse Jaamac, oo ah guddoomiyaha xarunta Dhaqanka ee Hargaysa. Isaga oo na wasiirka warbixin ka siiyay habka ay u socoto hawsha toddobaadka Buuggaagta Caalamiga ah ee Hargaysa International Book Fair.

Jaamac Muuse Jaamac, ayaa sheegay in ay goobtan ku sugan yihiin dhalinyaro badan oo illaa 60 gaadhaysa oo ka kala yimid lixda gobol ee Somaliland iyo gobollada kale ee ay Soomaalidu degto.

Waxa kale oo uu uga mahad celiyey wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland iyo shaqaalaha wasaaraddaasiba sidii ay ula shaqaynayeen intii uu socday toddobaadka Buuggaagta ee caalamiga ahi.

Dhinaciisa wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ummadu faa’iido weyn ka helayso micnaha ay lee dahay qoritaanka iyo akhriskuba.

Waxaanu tilmaamay in wasaaradda warfaafinta iyo wasaaradda Dastuurku ay samayn doonaan Barnaamijyo dadka lagu baraayo dastuurka iyo shuruucda dalka oo warbaahinta Qaranka laga baahin doono.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bandhigan buugaagta Hargaysa oo ah kii 12aad ee lagu qabto Somaliland. Runtii waa kulan la isugu yimid, wax weyn-na ka taraaya ummada in loo sheego akhriska iyo qoraalka macnaha ay leeyihiin. maanta (doraad) ayaanu anagoo ah wasaaradda warfaafinta iyo wasaaradda arrimaha dastuurku isugu nimid.

Haddii aan dadku wax qorin, shuruucdooda-na garan maayaan, xeerarkooda-na garan maayaan, nidaamkooda-na garan maayaan. Waxaananu barnaamijka lagu barayo bulshadda dastuurkoodda habeenkii saddex jeer ka sii dayn doonaa TV-ga qaranka. Muddo 120 maalmood ah ayaanu ku dhamayn doonaa.

Shuruucda muhiimka ah ee qaranka-na waanu ka sii dayn doonaa, kuwoodda ugu waaweyn. Inkastoo ay shuruucdu wada muhiim yihiin, hadana siday u kala mudan yihiin ayaa loo kala tixglin lahaa”.

Geesta kale wasiirka ayaa ku ammaanay dhalinyaradda goobtaasi ku soo bandhigtay buuggaagta dedaalka iyo waqtiga ay geliyeen buuggaagtaasi oo uu ku tilmaamay kuwo faa’iido weyn ugu fadhiya dalka iyo dadkaba. Waxaanu ku booriyey in ay dhallinyaradu marka hore afkooda bartaan.

“Waxaa loo baahan yahay in aanu Afkeenu inaga dabar go’in. iyadoo aanay dadkeenu tixgelinin inta badan. Ummad aan af lahayn, oo aan dhaqan lahayni, ummad jirta ma aha.

Ninkii doonaya in uu af kale bartaana horta kiisa ha barto. Waxaana markaa u dhib yaraanaysa in uu afafka kale barto, marka uu afkiisa barto, taasi ayaanan idinku boorinayaa” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply