Dawladda oo Ambabixisay 19-maxbuus oo Cafis Madaxweyne lagu Sii Daayay

0
453

Hargeysa (Dawan):- La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshadda mudane Cabdiwaaxid Cabdilqaadir Cabdiraxmaan iyo taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Xasan Cali Dheere ayaa garoonka diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa ku sii sagootiyay 19-maxbuus oo madaxweynaha Somaliland cafis madaxweyne ku sii daayay oo u dhashay deegaanka Galmudug ee Soomaaliya. Waxaana maxaabiistaas lagu wareejiyay odayaasha dhaqanka ee beelaha Muqdisho.

La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshadda Cabdi-waaxid Cabdilqaadir Cabdiraxmaan oo ugu horrayn goobtaa hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Waxaanu joognaa garoonka ay diyaaradduhu ka haadaan ee Cigaal International Airpor ee magaalada Hargeysa, iyadda oo aanu ku sii sagootiyeyno maxaabiistii madaxweynuhu cafiyay ee reer Galmudug, sidoo kale waxaa jooga madax dhaqameedkii reer Muqdisho oo uu ugu horreeyo guddoomiye Maxamed Xasan Xaad iyo odayaasha kale, ujeedada socdaalkooduna ay la xidhiidho sii kaxeynta maxaabiista, dhab ahaantii qiimo iyo sharaf ayay noo tahay maanta(shalay) in cafiskii madaxweynaha iyadda oo la fuliyo aanu halkan ku sii anbabixino, waxaa aanu u mahad celineynaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi”

Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Sarreeye Guuto Xasan Cali Dheere ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii ay barteen mudadii ay xidhnaayeen, waxaanu infiimiyay in maxaabiista cafiska Madaxweyne lagu soo daayay n ay yihiin kuwo wax bartay isla markaana dib ula mdoobi kara bulshada.

Mid ka mid ah maxaabiista cafiska Madaxweyne lagu sii daayay oo ka dareen celiyay xorriyaddaah heleen iyo cafiska uu ku sii daayay madaxweynaha Somaliland, ayaa yidhi. “Waxaanu ku xukunneyn xukuno aad u dhaadheer oo maskaxdeena iyo mustaqbalkeenaba aanaan waayo badan ka rajeynayn, waxaanu xukuneyn sida 24-sano 22-sano, 20-sano, iyo 18-sano, waana xukuno aad u dhaadheer imika oo aanu 9-sano xidhneyn raga noogu xadhiga yar waxaa u hadhsana mudo saddex sano iyo bila ah, ragna 8-sano iyo bilo marka geesimadda intaa leeg iyo farxadda madaxweyne waan kaaga mahad celineynaa” ayuu yidhi mid ka mid ah maxaabiistii xoriyadooda dib u helay.

Guddoomiyaha madaxda dhaqanka ee Muqdisho Maxamed Xasan Xaad ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay siideynta maxaabiistaa cafiska madaxweyne ku bxaday ee u dhalatay Soomaaliya,waxaanu yidhi “Waxaan halkan kulla wareegnay oo dawladda Somaliland oo uu hor kacayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi nagu wareejisay maxaabiis tiradoodu dhan tahay 19-maxbuus, dhab ahaan waan uga mahad celiney kuwaas oo muddo dheer ku jiray xabsiga dhexe ee Hargeysa, ka horna laga soo wareejiyay Jasiiraddaha Siishalis, marka in maxaabiista ay dawladda Somaliland nagu soo wareejiyaan maxaabiistaasi oo uu madaxweynuhu hor kacayo, aad iyo aad ayaanu uga mahad celineynaa, madaxweynaha iyo xukuumaddiisa iyo dhammaan madaxda Somaliland iyo bulshadeedaba markaa waxaan leenahay ILLAAHEY mahadi haka gaadho marka waa arrin taariikhiya oo dhab ahaantii saameyn ku yeelan doonta, umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba dadka Soomaaliyeed ee da’yarta ah in aanu mustaqbalkoodu lumin ee ay u faa’ideeyeen naftooda iyo ehelkooda ayuu gartay madaxweynuhu tallaabadda uu ku dhiiradday madaxweynuhu waan uga mahad celineynaa’’

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply