“Waxaanu Maxaabiista Barnay Farsamo ay ku shaqaystaan” Taliye Xasan Cali

0
406

Hargeysa (Dawan): Taliye ku xigeenka ciidamadda Asluubta ee Somaliland sarreeye guuto Xasan Cali Dheere ayaa shalay ka warbixiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.

Taliye Dheere oo warbaahinta kula hadlay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal ayaa sheegay in maxaabista ay geliyeen tacab badan oo dhaqan celin ah, waxaanu xusay in ay bareen farsamooyin ay ku shaqaystaan iyo xiftiga Quraanka Kariimka. “Maxabiista oo aanu haynay muddo toban sanno ah, waxa lanoo keenay iyaga oo yaryar oo dhallinyaro ah waxaanu ku samaynay dhaqan celin, qaar badan ayaa farsamooyin bartay, dhammaantood waa xaafid quraan, tacab badan ayaa nagaga baxay, haddii aanu nahay ciidanka asluubta Somaliland ” ayuu yidhi.

Sarreeye guuto Xasan Cali Dheere ayaa dhallinyarada u rajeeyey in ay dalka yimaadaan iyaga oo dalxiis ah, balse ay iska ilaaliyaan in ay dib ugu noqdaan falkii xumaa ee lagu soo xidhay waxana uu yidhi “Maanta nin walba farsamo uu ku shaqaysto marka uu waddankiisii ku noqdo ayuu leeyahay, waxa aan ku faraxsanahay in aad Hargeysa imaan doontaan idinka oo dalxiis ah, balse aan budhcad baddeed ahayn, waxa noo sharaf ah in aad nagala wareegtaan dhallinyaradiini oo qurux badan oo xirfad iyo diin leh.”

Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, ayaa shalay dalkoodii Hooyo ee Soomaaliya, u sii gelbiyey 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska ku sii daayey, kuwaas oo muddo 10 (toban) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa. ka dib markii laga soo wareejiyey dalka Seychelles jeelku yaal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply