“Madaxweynuhu Siduu Hadalka uu Yidhi iyo Sida Loo Turjumay Waa Laba Kala Fog”… Xildhibaan Warfaa

0
433

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa si adag uga hadlay dilalka mudooyinkan danbe ku soo badanayay ee loo gaysanayay askarta ka tirsan ciidamadda Somaliland.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, waxa kale oo uu tilmaamay in si khaldan loo turjumay hadalkii madaxweyne Muuse kaga hadlayay askarigii ugu danbeeyay ee todobaadkii hore lagu dilay degmada Ceel-afweyn.

Waxaanu bulshadda degaamadaasi u sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax dhibaato ah oo ay dadka shacabka ah u gaystaan ciidanku, waxaanu xusay in ciidamadu ay ka shaqaynayaan nabadgeliyadda dadka degaamadaasi.

Waxaanu yidhi “Dul-qaadka shakhsiga ahi, waa gobanimo. Laakiin, dul-qaadka xukuumadda ah ee sharciga ah, dawladnimada oo dhacdooyin fool xun oo dhacay ah, oo laga indho qarsado, waa dhaliil.

Markaa dul-qaadka uu sheegayo madaxweynuhu ma aha ka shakhsiyadiisa ah, ee waa dul-qaadka xukuumadda ee sharciga la fulin waayo, ayuu ka hadlayay madaxweynuhu. Madaxweynuhu siduu hadalkaa u yidhi iyo sida loo turjumay, waa laba kala fog”.

“Ciidanku waa ciidan qaran, sharci ayaanu ku joogaa Ceel-afweyn iyo dalka intiisa kale-ba. Askartu amaanka iyo sharciga ayay ilaaliyaan, ummada ayay ku kala dhex jiraan, wax dhibaato ah oo ay gaysanayaa-na ma jirto.

Waxaan og nahay in askar badan la dilay sabab la’aan. Waxaana loola coloobay sharciyada ay fulinayaan askartu, taasina waa khalad.

Markaa turjumaadda hadalkii madaxweynaha laga bixiyay, waa mid khalad ah, oo aan ahayn teedii saxda ahayd” ayuu yidhi xildhibaan Warfaa oo shalay warbaahinta la hadlay.

Geesta kale guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo wax laga waydiiyay xeerka doorashadda baarlamaanka ee horyaala golaha Wakiiladda ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay in xeerkaasi uu dhamaan doono.

“Baarlamaanka waxaa horyaala xeerkii doorashadda golaha Wakiiladda, in uu dhaqan-gallo xeerkaasi ayaan rejaynayaa, oo aan filayaa.

Waxaanan qabaa in doorashada golaha Wakiiladu ay qabsoonto, wixii caqabado ah ee hortaag-na way dhamaatay, wixii kale ee ka hor yimaada-na, way iska dhamaan doonaan.

Saddexda xisbi-na waa kuwii ka gaadhay qabashadda doorashada golaha Wakiilada”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply