Maamulka Shirkadda Omaar oo si Kulal uga Hadlay Hadal Ka Soo Yeedhay Odayaasha Nin Mar Labaad Afduub kula Kacay Baabuur ay Shirkaddu Leedahay

0
545

Hargeysa (Dawan) Maamulka shirkadda caalamiga ah ee Omaar International Company, ayaa jawaab ka bixiyey hadalo ka dhan ah shirkadda Omaar oo ka soo yeedhay odayaal ka soo jeeda beesha niman khasaare u gaystay shirkaddaasi.

Maareeyaha shirkadda Omaar, Maxamed Cali Muxumed Boqorre oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay niman hore shirkadda khasaare ugu gaystay oo maxkamaduna xukun ka soo saartay, kuwaasi oo dhawaan warbaahinta hadalo mariyey.

Maareeyaha shirkadda ayaa sheegay in dembi laga galay, isla markaana meel lagaga dhacay sumcada shirkadda Omaar oo ah shirkad ballaadhan oo ka shaqeysa geeska Afrika

“Shirkadda Omaar International wax dembi ah oo ay ka gashay ma jirto, iyadaa dembi laga galay oo loo gaystay sumcad dilis, shirkaduna waa mid geeska Africa oo dhan ka shaqaysa, maaha mid loo nisbeeyo beel. Odayaasha ku hadlaya magaca beesha ee yidhi beel baanu wax ku leenahay, dee inay beesha inay beesha kala hadlaan bay ahayd, laakiin dee inay shirkadda ku soo darsadaan oo ay dambi saaraan aanay cadayn karaynin, ma ahayn.”

Maareeyaha shirkadda ganacsiga ee Omaar waxa uu caddeeyay inaanay jirin cid ay shirkadaasi wax isku hayaan, isla markaana ay odayaasha ka hadlay warbaahintana ay gef ku ahayd inay hadalkooda meel ka soo galiyaan shirkadda.

“Shirkad ahaan wax ala wax aanu annagu ognahay oo dembi ah oo nimankaa ka qabno ma jirto, siday u hadleena maaha sidii odayaashu u hadli jireen, waxay ahayd haday odayaal la hadlayaan inay ciday la hadlayaan hortagaan, horfadhiistaan oo kala hadlaan laakiin shirkadda dembi aanay meelna ka soo galin inaya ku soo eedeeyaan ma ahayn.” Ayuu yidhi Maxamed Cali Muxumed Boqorre

Masuuliyiinta kale ee Maamulka shirkadda Omaar iyagoo ka hadlaya sifada nidaamka sharciyadeed baalmarsan ee ninkaasi dhacay hantida shirkadda ugu sheeganayo shirkadaasi ayaa hadalkooda waxa ka mid ahaa;

“Marka aynu ka hadlayno inuu qof cid hanta ku sheegto, hadmay laba qofi hanta isku yeeshaan? Waa inay marka hore labada qof ay kulmaan oo ay wax dhexmaraan dhakuu doono ha noqdee. Ninkaa shirkadda wax ku sheeganaya ee la leeyahay annagu TV-ga uun baanu ka aragnaye, shirkadda wax ma dhexmareen mise ma dhexmarin? Waa su’aasha u baahan inaan isdul taago. Waxa weeyaan Ninkaasi habayaraatee wax shirkadda dhexmaray ama ka dhexdhacay ama sabab ay wax isugu yimaadaan dhexmartay, ma jirto. Annagu waxaanu ku baraarugnay shirkad ahaan, gaadhi aanu leenahay oo daabulka gura ayuu ninkaasi magaalada berbera ka soo dhacay. Markii aanu ogaanay waanu ka daba tagnay, kaantarool oo dhan buu soo jiidhay, rasaas baa lagu furay oo taayirada ayaa laga banjariyey, wuxuu sameeyay intuu kaxeeyay buu xaafadiisa dhexdhigtay ina Mooge.

Waxa arrintaasi la socday hay’adihii amniga ku shaqada lahaa. Odayaashii uu soo jeeday ninkaasu iyo odayaal ka socday shirkadda ayaa kulmay, waxay shirkadu u caddaysay inaanu jirin wax uu ninkaasi u sheeganayo shirkadda amaba shirkaddu ka haysato, Waxaanay ka dalbadeen inay keenaan sharciyada uu ninkaasi ku dhacay hantida shirkadda. Odayaashii ninkaasi waa ay ka garaabeen Waxaanay qaateen go’aan ah in ninkaasi waxba ku lahayn shirkadda, gaadhigiina loo soo celiyo. Waxa dhacday in la noo soo celiyo gaadhii oo burburay, muraayaduna jajabeen.

Intaasi arrin kuma joogine waxa dhacday maalin maalaha ka mid ah in mar labaad ninkii oo hubaysan oo koox budhcad ahna wata ay mar labaad gaadhi shirkaddu leedahay oo burco u socday ay dhexda u galeen dabadeedna afduubteen, inankii gaadhiga waday inta laga faramaroojiyey furihii ayaa toori lala dhacay. Arrikaasi maaha kiis madani ah ee waa kiis dembi oo budhcadnimo ah. Gaadhii halkaas baa lagala tallaabay, annagoo ixtiraamayna nidaamka iyo sharciga dalku leeyahay ayaa waxa aanu la xidhiidhnay hay’adaha amaanka, intii hawshu socotay gaadhigii waa lala fogaaday airport-ka ayaa lagala gudbay waddada burco ayuu dhuftay. Ciidamada RRU ayaa kadaba tegay waxay ku gaadheen Badar-wanaag habeenimadii, halkaas rasaas badan baa ka dhacday dhibaato badan baa ka dhacday, gaadhigii waa lala dagaalamay, markii dambe nimankii way ka yaaceen, saqbadhkii ayaa lana soo hadlay oo lana yidhi gaadhigii shidaal u soo dira, 1:00am habeenimo ayaanu meesha gaadhnay oo gaadhigii ka soo jiidnay annaga oo la socona ciidamada amaanka. Somalilan oo dhani way ka war haysay, waxgarad iyo cidkastaaba way ogtahay halkay xaaladaasi maraysay. Kiiskaasi annaga ayaa dhibanne ka ah, mar labaad ayaanu odayaashii Ciidagale u dirnay oo ku nidhi maxay xaq noogu leeyihiin dadkani? Waxa la noo soo celiyay inay wax shirkadda lagu leeyahay haba yaraatee aanu jirin.

Odayaasha adeeradeen ah ee media-ha ka hadlayay waxaan leeyahay, haddaad inankaaga daliil u hayso oo cadayn aad u hayso oo waxa aad ku garab taagan tahay uu xaq yahay, maxaa kuu diiday inaad hay’adaha sharciga ee kiiska gacanta ku haya maxaad u hor iman weyday, ninka se magaalada hargeysa ku dhuumalaysanaya ee shirkadda wax u sheeganaya hadday jirto muxuu u hor iman waayay sharciga oo uu wuxuu u sheeganayo u sheegi waayay. Micno badan ma samayso inaad inta TV soo fadhiisto aan idhaahdo qof baan wax ku leeyay laakiin waxa loo bahan in waxa laf-dhabarta xaqiiqada ah laga hadlo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply