“Md Muuse Biixi iyo Md Ismaaciil C. Geele Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti Halkii Ugu Sarraysay Ayey Gaadhsiiyeen…….” Safiirka JSL ee Jabuuti

0
857

Jabuuti (Dawan)- Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele ay gaadhsiiyeen heerkii ugu sareeyey xidhiidhka dublamaasi ee u dhexeeya labada wadan.

Ambassador Cabdifataax Siciid, safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti oo Jabuuti ugu waramayey warbaahinta dorraad ayaa caddeeyey in labada wadan isbedelo balaadhan ku sameeyeen nidaamyada isu-socodka labada shacab, waxaanu yidhi, “Xidhiidhka labada wadan maanta meel wanaagsan ayuu marayaa, sidii dhici jirtay xilliyadii hore muwaadinka Somaliland ee Jabuuti u socdaala baasaboorka madaarka ayaa lagaga reebi jiray, nasiib wanaag mudadii xukuumada Kulmiye talada dalka haysay waxaan ku guulaysanay dhamaan baasaboorada JSL loo fiiseeyo, laguna galo Jabuuti.” ayuu yidhi Amb Cabdifataax, isagoo raaciyey,

“Waxaan bulshada ugu bishaaraynayaa, mudadii Md Muuse Biixi, Madaxweynaha JSL ahaa, waxaan ku guulaysanay in khidmada fiisaha Jabuuti oo ahaa $90 (Sagaashan Dollar), maanta laga dhigo $20, halka sidoo kale qiimaha fiisaha imaantinka JSL oo ahaan jiray $60, xukuumadu hoos u dhigtay waana $15.”

Amb Cabdifataax Siciid oo ka hadlayey heerka uu marayo xidhiidhka dublamaasi ee labada wadan wadaagaan, ayaa sheegay inuu halkii ugu sarraysay gaadhay, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar xidhiidhka labada wadan halkii ugu sarraysay ayey gaadhsiiyeen. Sannadkii hore waxa socdaal ku yimi Jabuuti 10 Wasiir oo Somaliland ah, oo mid walba Wasiirka dhigiisa ee Jabuuti la kulmay. Sannadkan 2019, waxa Jabuuti yimi sideed wasiir, oo mid walba dhigiisa Jabuuti uu qaabilay, kana wada hadleen dannaha labada wadan iyo labada shacab. Waa guul, caalamka wadan Wasiirada Somaliland la kulmaan dhigooda, Jabuuti ayey ka dhacdaa, taasoo ku timi, shaqo adag iyo dedaal xoogan oo lagu bixiyey, hadday tahay safaarada JSL, xukuumadeena, iyo sidoo kale xukuumada Jabuuti oo Madaxweyne Md Ismaaciil hormood u yahay oo aad noogala shaqeysay. Danno badan ayey dalka Jabuuti wadaagnaa, sida Amniga, xuduudaha, iskaashiga dhaqan-dhaqaale, isu-socodka,” ayuu yidhi, isagoo raaciyey,

“Dhinaca Isu-socodka labada shacab, tobankii sannadood u dambeeyey markaad eegto, waa markii ugu badnayd ee Reer Jabuuti u soo xagaa-baxaan Somaliland (50) Konton kun ayaa yimi, taasoo muujinaysa xidhiidh labada wadan wadaagaan, mustaqbalkana, Idam Alle, jecel nahay inaan sii xoojino.

Mar uu ka hadlayey mashaariic laga hirgelinayey magaalada Seylac ayuu raaciyey, “Warshad la dhagax-dhigayey qolada Turkiga ayaa ballan qaaday, taasoo wefdi aan hogaaminayey oo Turki ah kana koobnaa masuulka labaad ee hay’adda TIKA La-taliyaha Madaxweynaha Turkiga iyo safiirkooda Jabuuti, ku yimaadeen, arrinkii qorshaha diyaarintiisa inuu ku jiro ayey sheegeen, rajo fiicana waanu ka qabnaa.”

Gebagebadii waxuu sheegay in xafiiska safaarada JSL ee Jabuuti dib u habayn wacan ku sameeyeen, mudadii uu joogayna Ilaahay ku guuleeyey in sare loo qaado meeqaamkeedii, oo hore ahaa Somaliland Liaison Office, wakhtigan laga dhigay Somaliland Diplomatic Mission, taasoo aanu uga mahadcelinayo xukuumada Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waana hormar dhinaca dublamaasiyada oo JSL gaadhay, Ilaahayna loogu mahadnaqo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply