Golaha Wakiilada oo la Horgeeyay Mooshinkii Heshiiska Sadexdda Xisbi Qaran

0
578

Hargeysa (Dawan) Golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay la horgeeyay mooshin ku aadan ansixinta heshiiskii ay saddexda xisbi Qaran, ee KULMIYE, UCID, WADDANI ay ka gaadheen qabsoomidda doorashooyinka iyo wax ka badelka xubnaha gudida doorashooyinka Qaranka.

Waxaana fadhigan shir-gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda mudane Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu halkaasi ka akhriyay liiska magacyadda mudanayaasha soo gudbiyay mooshinkani.

Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, guddoomiye ku xigeenka golaha wakiiladdu waxa uu sheegay sida xeer hooska golaha wakiiladdu uu dhigayo in mooshinka loo gudbinayo la taliyaha sharci ee golahaasi waxaanu yidhi “Mudanayaal sida habka sharcigu dhigayay waxaa aynu u dhiibi doona la taliyaha sharciga waanad mahadsan tihiin”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply