Wasiirka Isgaadhsiinta oo ka Hadlay Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay kor u Qaadista Aqoonta Tiknoolajiyaddu

0
746

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Muxumed, ayaa sheegay in ay doonayaan in dalka aqoontiisa dhanka Tiknoolajiyadda kor loo qaado, isla markaana Somaliland aqoonta tiknoolajiga caalamka ay la jaan qaado.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in qof kasta oo iibsada adeegga ku hadalka ee birbaydhku in uu xaq u leeyahay in uu ogaado inta daqiiqadood ee laga iibiyay, isla markaana aanay ka go’i karin illaa xidhmada u iibsaday uu dhamaysanayo.

Waxaa kale oo uu iftiimiyay wasiir Dr. Cabdiwali sida loogu baahan yahay in kor loo qaado oo la soo kobciyo shirkadaha yar yare ee tiknoolajiyadda si loo helo adeegyo dheeraad ah iyo shaqo abuur cusub.

Waxaanu caddeeyay in ay qorsheyaasha wasaaradda ka mid tahay in dalka shirkado caalami ah oo maalgashi in ay keenaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo siiyay wargayska Dawan, ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay adeegga Boosaha oo wasaaraddu bilawday isla markaana ugu adeegto dhammaan laamaha dawladda ee caasimadda Somaliland, ayaa yidhi. “Muddo ku dhaw sanad laamaha dawladda waxaa aanu u kala qaadnaa wixii waraaqo ah ee ay isu dirayaan, annaga oo ilaalineyna ammaanka waraaqaha wakhtiga ay ku gaadhayaan iyo hadhaw in la dabageli karo hadhaw wixii la ogaan karayo, tusaale ahaan haddii wasaaradda maaliyaddu waraaq u soo dirtay wasaaradayadda waxaa la helayaa wakhtigii ay soo gaadhay, cidii qabatay, maadaama ay dad koobani qaadayaan ammaankooduna waa uu sugan yahay, oo haddii ay wax ka yimaadan iyaga ayaa lagala xisaabtamaya. Ta kale in aanu boostii caalamiga aheyd aanu dalka soo gaadhsiino, waayo dhawaan waanagii heshiis la soo saxeexaney dalka Jabuuti heshiis in la gaadhsiiyo goboladda dalka, sidoo kale shirkaddaha ku shaqeysta adeegga Boosta in la kormeero oo iyagana laga war hayo, boosta dalkuna caasimadda oo kaliya ayay ku kooban tahay welina goboladda maanaan gaadhin”

Mar wax laga weydiiyay qorshaha laga leeyahay siyaasadda hagaha cusub ee dawladda waxaa uu yidhi “Waa hagaha iyo dhisidda goobaha isgaadhsiinta, haddii la doonayo in la dhiso goob isgaadhsiineed maxaa laga rabbaa? Shuruucda laga doonaya maxay tahay? Marka goobkasta oo isgaadhsiineed oo adeeg isgaadhsiineed laga bixiyo oo Telecom Sites-ka ah in lagu xakameeya uun weeye ujeedadu, hadhaw marka meel la dhisayo shuruudaha ma la buuxiyay mise lama buuxin, marka haddii la buuxiyayna waala ogolaan hadii kalena waala joojin”

Mar wax laga weydiiyay halka uu marayo qorshihii ahaa in ay shirkadduhu wada hadlaan, ayuu ku jawaabay wasiir Dr. Cabdiwali “Imika waxaa noo socda qorshaheedii, shirkadaha ayaanu kala xidhiidhnay nidaamkeedina waanu wadnaa, dhankayagana waanu dhameystirnay shuruucda oo shirkadaha ayaanu la wadaagney oo aanu ka sugeynaa, maadaama iyaguna ay qayb ka noqonayaan waa in ay wax ku soo darsaddaan”

Wasiirka oo ka jawabayay su’aal nuxurkeedu ahaa, Faahfaahin naga sii qaabka aad ku kasbateen in aad kaalinta labaad ka gashaan dhaqaalaha dalka, ayaa yidhi “Horta waxaa laga hadlayaa waa dakhliga halka wax ka soo baxaan ayaa laga hadlayaa, waxaana laga eegayaa xadka la adeegsanayo ee isgaadhsiinta, marka aad eegto, qofkii waxaa uu sitaa intaas oo mobile, 24-ka sacadood waa uu hadlayaa dhawr adeeg oo kala duwan ayaad isticmaaleysa, marka adeegyadda cashuurtoodu marka ay soo xerooto halka ugu badan ee ay ka soo xaroota waa halkaasi”

Dawladdu ma halkii dollar ee qofka ayay cashuureysa mise shirkadda ayay cashuurta ka qaadeysaa? “Annagu maanaan soo rogin ee xeerkan waxaa la ansixiyay 2016-kii waxaanu ku jira qodobka iyo xeerka cashuuraha berriga, waana cashuurta iibka, wax kasta oo la kala iibsaddana boqolkiiba shan ayaa laga doonaya iibsadaha, koob shaaha hadii aad iibsato waa in boqolkiiba shan ay dawladdu leedahay ay ku jiraan waana xeer baarlamanku ansixiyay sharciyan na waa waajib, ka wasaarad ahaanna waxaa naga quseeya waxa la kala iibsado ee isgaadhsiinta ah, maaha rogid cusub ee waa xeer hore oo odhanaya goobkasta oo isgaadhsiineed oo adeega isgaadhsiintu ka dhaco waxaa ku waajiba cashuur boqolkiiba shan ah, marka halkaasi ayay dadka ka soo galeysa, shirkaddaha cashuur kale ayaa laga rabba iyagga, qofkuna halka dollar ee ay shirkaddu ka iibiso inta uu isticmaalayo inuu ogaado xaq ayuu u leeyahay”

Mar uu ka hadlayay sida loogu baahan yahay in kor loo qaado aqoonta tiknoolajiyadda ee laamaha dawladda iyo hay’addaha waxbarashada waxaa uu yidhi.“Laamaha dawladda ayaa u baahan in tayadooda kor loo qaado waxaa kale oo aynu u baanahay in aynu dhiirigalino shirkaddaha yar yar ee soo koraya ee ka shaqeeya Tecnolojiga, sidoo kale waxaa muhiim ah in jaamacadduhu dib ugu noqdaan waxaa ay dadka barayaan oo ay kulliyaddaha caafimaadka oo kale u adeegsaddan technology-ga si guudna qaybta waxbarashada oo dhan ayaa u baahan in lagu daro, hay’addaha tacliinta bixiyana in ay ku daraan si qofkasta uu u fahmo faa’iidada technology,tusaale ahaan waxaynu u baahannahay in aynu gaadhsiino aqoonteena tiknoolajiga ah in dhakhtarku qalliin ka gali karo Ceerigaabo isagoo Hargeysa jooga,waxaynu u baahanay in injineerku ogaado shaqadiisa wuxuu tiknoolaji uga baahan yahay oo wariyuhu garan karo intuu Tiknoolajiga aqoon uga baahan yahay maantana dunidu way isku xidhan tahay waxaana mideeyay oo isku xidhay waa Tiknoolaji haddaynaan aqoonteena Tiknoolajiga ah aynaan kr u qaadinnna la jaan qaadi mayno adduunka intiisa kale markaa waxaan ku baraarujinayaa laamaha waxbarashada guud ahaan in ardayda aqoontooda tiknoolajiga kor loo qaado si ay innoogu soo bixi karaan arday wax curin karta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply