Xukuumadda Somaliland oo Ka Hadashay Xildhibaano Xasaanadoodii Dib U Helay

0
515

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technologyada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa ka hadlay shan ka mida xildhibaanadii golaha deegaanka degmadda Gabiley oo dib u helay xoriyadoodii, halka mid ka mid ahina illaa hada uu xidhan yahay.

Xildhibaanaddan oo tiradoodu dhammeyd lix mudane ayaa in muddo ah ku xidhnaa xarunta danbi baadhista ee magaalada Hargeysa, kadib markii khilaaf soo kala dhex-galay iyaga iyo masuuliyiinta golahooda.

Dhanka kale waxaa uu xusay in khilaafkooda la soo afjari doono bacdal Ciida INSHA ALLAH.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-ada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi ugu horreyn waxaa uu sharaxay qaabka ay u mareen siideyntooda waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa in halkan uga sheego bulshadda reer Somaliland iyo ta reer Gabileyba in xildhibaanadii golaha deegaanka ee xidh xidhnaa ay noo suuragashay in ay ka soo baxaan xabsiga, taasi oo dad badanina soo deyntooda qayb ka ahaayeen, waxaanan halkan uga mahad celinaya wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo naga aqbalay hawshii iyo ergadii aanu galey, xadhigooduna waxaa uu salka ku hayay khilaaf soo kala dhexgalay golaha deegaanka ee Gabiley, waxaananu u balansanahay in aanu xalino khilaafka golaha deegaanka ee degmadda Gabiley marka fasaxa Ciida laga soo noqdo hadii ILLAAHEY yidhaaho”

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-ada Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in shan ka mid ahi ay xoriyadoodii dib u heleen waxaanu yidhi “Xildhibaanaddii shan ka mid ahi dibada ayay joogaan xoriyadoodiina dib ayay u helleen, hal xildhibaan oo kaliya ayaa hadhay isagana hawshiisi waanu ku jirnaa, cidii sabab lagu hello uunba la xidhaa oo sharciyadda la mariya, tana imika waxaa aanu ku soo dhammeyney waa xal siyaasaddeed, xildhibaanaddu waxbay tirsanayaan iyagana waxba laga tirsanayaa, hawshana lafa guristeedii iyo mid walba gooni u eegisteedi waanu wadnaa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply