Wasaaradda Dastuurka oo Magaalada Boorame ka Bilowday Barnaamijyo Wacyigeelineed

0
453

Boorama (Dawan)- Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa gaadhaay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Ujeedada safarka wasiirka ayaa salka ku hayay barnaamijyo la xidhiidha wacyi-gelinta barashada dastuurka iyo furitaanka xafiis ay ka wasaaradd ahaan ku yeelan doonaan degmadda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta weftiga wasiirka la socday, agaasimaha guud ee waasaaradda mudane Jamaal Cabdi Muuse, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada mudane Cabdiwaaxid Cabdilqaadir Cabdiraxmaan iyo masuuliyiin kale.

wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaana ka hadlay ahmiyadda barashada Dastuurka waxaanu yidhi “Sidaasi loo sheegay waa sharciga ugu sareeya ee dalkani uu leeyahay marka aynu ka reebno sharcigeena Samawiga ah ee ILLAAHEY inoo soo dejiyay, oo ay is waafaqayaan, qodobka shanaad ee Dastuurkeenu waxaa uu sheegaya wax Allaale iyo wixii 130-ka qodob aan waafaqsaneyn shareecadda Islaamku waa waxba kama jiraan sidaasi darteed waxaa uu waafaqsan yahay diinteena, dhaxal ayaynu runtii Qaran ku noqoney oo xuquuqaheena iyo nabadgeliyaddeena jiritaankeena inagu aynu ku dhaqano iyo ta aynu aduunka kula dhaqanaba aynu dhab ahaantii ku heysana”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply