Xildhibaan u soo Jeediyay Shacabka Somaliland in zy Ilaashadaan Nabedgalyada

0
480

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka hadlay muhiimada nabadgeliyadu u leeday shacabka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu sheegay in danta Somaliland ay ku jirto midnimada iyo nabedgeliyadda dalka, isla markaana laga waantoobo hadalada xanafta leh ee ay siyaasiyiintu warbaahinta u adeegsanayaan ee dadka lagu kicinayo.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa uu tilmaamay in aanay wax dalka iyo dadkaba u hagaagayaan jirin haddii aan nabad la helin.

Waxaanu yidhi “Danta Somaliland waxay ku jirtaa nabadgeliyadda iyo midnimada, ayay wax inooga dan yihiin. Haddii aan nabad la helin, wax hagaagayaa ma jiraan. Waana in shacabka reer Somaliland ay wada ilaashadaan nabadgeliyadda. Waana in la iska ilaaliyaa hadalada xanafta leh ee dadka kicinaya, ee wax xumaynaya”.

Geesta kale Saleebaan Garad, ayaa soo jeediyay in la kala xadeeyo gobolada iyo degmooyinka dalka ka hor inta aan la qaban doorashada golaha Wakiilada, isla markaana dadka dib loo diiwaangeliyo.

“Waa in la kala xadeeyo goboladda iyo degmooyinka dalka, oo la sameeyo degmo kasta meesha u xad ah. Intaas oo gobol iyo degmooyin ah ayaa la sameeyay.

Waana in mar labaad dadka la diiwaangeliyo dadka. Dadkii hore ee la diiwaangeliyay, waxna way dhinteen, waxna way gaboobeen. Markaas ayay xalaal noqonaysaa doorashadda golaha Wakiiladu.

Waana in la keeno xeerkii. Waxa kale maamul daadejinta degmooyinka goboladda iyo degmooyinka dawladaha hoose” ayuu yidhi xildhibaan Saleebaan Garas.

Dhinaca kale xildhibaanku waxa uu ugu baaqay beesha Caalamka in ay aqoonsadaan Somaliland, maadaamo oo sida uu sheegay ay Somaliland hore u soo qabatay doorashooyin kala duwan ooh ab dimoqraadi ah u dhacay.

Waxaanu yidhi “Doorashooyinka saddex jeer ayaynu madaxweyne dooranay, oo baarlamaan iyo gole degaan ayaynu dooranay. Hore-na waynu u qabanay doorashooyinka, dib-na waan u qaban doonaa.

Waxaana loo baahan yahay in la yidhaahdo doorashadii qabanaye na ictiraafa. Weftiyadan qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka ee inoo yimaada”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply