Saaxiibayaal, xagxagashadu siyaasad maaha, dagaal markay noqotana dhaqankeenii hore haweenka ayey wixii xagxagasho ah ku tilmaami jireen, ka hor intii aanay haweenku duuliyayaasha ka noqon diyaaradaha dagaalka ama ridayaal ka noqon Tawaangida iyo dhammaan hubka kale oo dhan.
Waayihii hore markay laba dhallinyaro ahi dagaallamaan oo mid dhabannada si xun ka kale uga xagxagto una yeelo diilimooyin dhaadheer oo guduudan, ayaa waxa uu qof kasta oo indhaha qac ku siiyaaba wejiga wiilkaa ku odhan jiray, waar ma gabadh baad la dagaallantay, maxaa sidan u heylheylay dhabannadaadii?
Haddaan si qoto dheer u dhuuxno oo hoos ugu sii dhaadhacno macnaha ku jira tilmaamahaas, waxa ay inoo sheegayaan, waxa inooga soo dhex baxaya, in aanay xagxagashadu ahayn dagaal, hadduu yahay kan gacanta layskula tago iyo hadduu yahay dagaalka siyaasadda, waxana inta badan la yidhaa markay tan oo kale ka dhex dhacdo laba dhallinyaro ah (Waar waxba ismay yeeline wey is xagxagteen).
Tilmaan kale aan sii raaciyee, waxa mar kasta labada qof ee dagaallamaya uu ka wax xagxagta yahay ka itaalka yar, isaga ayaana ugu nagnag badan marka la kala qabto oo aan si qumaati ah u joogsan, una qabsoomin ciddii kala qabaneysay oo kolba intuu ka hoos siibto ciddii haysay, dhagxaan ka daydayda, balse ka kale ee og inuu ka itaal-roon yahay xagna ugama dhaqaaqo ciddii kala dhex gashay, waxase uu galaa foojignaan si aanu u gaadin inta lagu kala dhex jiro.
Marka uu joojin waayo fakfakashada, ayaa lagu yidhaa, [Waryaa yarow, haddaad joogi weydo, waanu isku kiin sii deyn oo weliba waxan odhan car waa cidda kala qabata ee qunyar maad iskaga joogi, waayo itaalkaaga waanu aragnaa oo kollay ninka hadhaw cabaadi doonaa waa adiga’e maad iska tagi gurigiina?] Markuu intaa maqlo, isma dhaqaajinayo mar dembe, waxanu oggolaanayaa inuu si fiican u qabsado dhabbadii xaafaddooda.
Haddaba, aaraartaa ila dheeraataye, waxan uga socdaa maalmahan ugu dembeeyey, waxa ay dadka qaarkii siyaasad ka dhigteen sawirro xajka ah oo iska xagxagasho dagaal siyaasadeed ka ahaa xaggeena, siiba dhinaca mucaaridka iyo xagga Xamarba. kadib markay laba Wasiir oo Muqdisho ka socday halkay deganaayeen ugu tageen xagxagasho siyaasadeed Wafdiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Muuse Biixi halkay deganaayeen.
Waxa xilligaa lagu guda jiray maalmihii barakeysnaa ee xujeydu gudanayeen waajibaadka xajka oo ay Madaxweynaha iyo wafdigiisuna ka mid ahaayeen xujeydaas, kadib markuu Madaxweynaha JSL ka helay martiqaad rasmiya Boqorka dalka Sucuudig Boqor Salmaan Binu C/casiis, waxayna nala tahay in qof kasta oo caqli lihi garan karo siduu yeeli lahaa hadday gurigiisa kusoo booqdaan maalmahan barakeysan oo kale rag aanu wanaag ka dhaxeyn waxa uu ka yeeli lahaa hadday raggaasi ku yidhaahdaan, [waxanu idinku nimid keliya inaanu idin salaano.]
Gees kale haddaan ka eegno, Madaxweynaha iyo wafdigiisa labada nin ee bartii ay degganaayeen ku booqday kamay duwaneyn dadka kale ee booqashada ugu tagayey Madaxweynaha, balse waxa qudha ee ay dheeraayeen ee ay la socdeen, waxay ahayd waxaan meelna wax ka tareyn ee iska ahayd uun mid ka mida waxyaabaha khiyaalka ah ee ay isku maaweeliyaan Farmaajo iyo inta kala xoogsata Muqdisho.
Tallaabooyinka kooxda Farmaajo, waxa ay muujinayaan itaal darradooda siyaasadeed oo dhaafi weyday xagxagasho iyo inay ka daba ciyaan sidii dacawga hadba halkay Madaxda sare ee JSL u dhaqaajiyaan siyaasadda JSL. Sidaa darteed, waxa fiican inaan wax iska hubsano oo aynaan si fudud u qaadan wax kasta, balse waa inaan iska shaandheynaa oo kala hufnaa ka hor intaan la soo dhigin garoonka ciyaarta.
Bal akhristayaal idinku nala eegoo, ma idinla wacan tahay inaan ku tilmaano diyaaraddii Boqortooyada Sucuudi Areebiya ee ka mid ahayd kuwa Bqortooyada u gaarka, inay ahayd diyaarad uu Madaxweyne Muuse Biixi soo kireystay? Jawaabtu waa maya oo maya, waayo waxa dadka loo sheegaa wax maangal ah oo uu qaadan karo caqliga bani’aadanku, xataa haddaad been sheegeyso, waxayna Somaaliidu tidhaa, [Haddaad been sheegeyso, mid run u eeg sheeg.]
Borobagaandhooyinka noocaas ah ee inta laga soo xigto baraha bulshada ee cadowgeena ee weliba lagusii baahinayo qaar ka mida baraha Warbaahinteena bulshadu, saw maaha kuwa makarafoon u noqday dacaayadda, u quudhi waaga iyo xasadka Farmaajo iyo kooxdiisa, isla markaana garab ku siiyey si kasta oo loo waxyeeleyn karo jiritaanka Qaranimada Somaliland, sumcadda, karaamada iyo heybadda dawladnimoba ee shacbiga iyo magaca Jamhuuriyadda Somaliland?
Arrimaha qaar markaad aragto, run ahaantii waxad u khajileysaa ka qoraya ama ku hadlaya waxaas oo kale ee weliba doonay inuu dadka ka dhaadhiciyo, in Boqortooyadu kireyso diyaaradahooda u khaaska ah ee lagu suntay astaamaha gaarka!! Waxanu kuwa
Ku beentaa qoraya u sheegeynaa oo aan baraynaa, in aanay Boqortooyadu ahayn Kambani yar oo magac doon , balse ay Boqortooyada tahay hoggaan dsal oo wax kasta ka hormarisa ilaalinta heybaddeedsa iyo karaamada Boqortooyadooda ee sidaa ula socdoo,talona Saaxiibayaa aan idin sinee, sheeko kale oo aan ta Xamar ee Farmaajo ahayn ma inoo haysaan?
Waxan ku soo xidhayaa qormadan kooban oo aan leenahay bulshada reer Somaliland, waar arrinkeena ha dhaafinina markay gudaheena tahay wixii siyaasad ah, is-xagxagashadeenii oo hadda inoo noqotayba xirfadda qudha ee aan moodnay shaqo yar iyo weynba, qaar kalena ay siyaasad marboobta mooyee aan wax kale uga bilownay, sidaa darteedn axaalkooda siyaasadeed iska yahay sidii marboobta oo kale, haddayse intaa inala dhaafto waa layska qabanayaa , waayo khatarteeda ayey leedahay.
Dawannews Hargeysa office