Koomishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka oo Faahfaahin ka Bixiyay Waxyaabihii u Qabsoomay

0
461

Hargeysa (Dawan):- Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka, ayaa ka war bixiyay hawlaha shaqo ee ay qaranka u qaabilsan yihiin iyo waxyaabihii muddooyinkii u dambeeyay u qabsoomay oo ay ka mid yihiin kormeero ay ku tageen xabisyada iyo saldhigayda dalka.

Waxaa kale oo ay ka hadleen heerka Xuquuqda adaamaha ee Somaliland oo ay tilmaameen in ay marayso meel wanaagsan oo ka fiican dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan dalalk soo koraya.

Waxaanay intaa ku dareen in ay jiraan arrimo dhanka duruufaha ah oo ay ka mid yihiin xabsiyada oo cidhiidhi ah, waxbarashadii maxaabiista oo aan wali la hir gelin iyo saldhigyada oo ay ka jirto isku meel lagu xidho carruurta iyo dadka waawayn oo aan kala saarnayn.

Waxaa kale oo ay ka hadleen xaaladda cilaajyada oo ay sheegeen in ay yihiin jaantaa rogan qaarkood oo aan la garanaynba cid ay ka sharciyaysan yihiin, taas oo ay sheegeen in ay kala hawl gali doonaan wasaaradaha ay qusayso si loo ogaado adeegga ay dadka u hayaan iyo bad qabka dadka ku xidhan.

Guddoomiyaha komishanka xuquuqda aadamaha qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali iyo Agaasimaha guud ee Komishanka Xuquuqda Aadamaha Cabdisamad Sacad Xasan oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan, ayaa ugu horrayn Guddoomiye Maxamed Baaruud oo ka hadlayay waxyaabihii u qabsoomay waxaa uu yidhi. “Horta shaqadayadu waxaa weeyaan in aanu illaalino xuquuqda dadka waliba dadka xuquuqdooda la illaalinayaa waa dadka jilicsan waxaana laga illaalinayaa cidda xoogga wayn oo had iyo jeer cidda jilicsan ayaa la illaaliyaa xuquuqdooda oo laga illaaliyaa cidda xoogga wayn,markaa dadka jilicsan ayaan xuquuqdooada illaalinaa waayo? Dadka awoodda leh ama ladan ama wax bartay wuxuu garanayaa dariiqa uu u marayo xuquuqdiisa oo Looyar ayuu qabsan karayaa ama xildhibaan ayuu garanayaa ama dariiq kale oo uu maro ayuu garanayaa laakiin dadka jilicsan ee aan codka lahayni ma garanayo meel uu xuquuqdiisa u maro markaa dadkaa jilicsan ee aan codka lahayn ee aan waxaas oo dhan aan haysan ayaan xuquuqdooda illaalinaa,kuwaas oo ay ka mid yihiin haweenka dadka meelaha fog fog ku nool ee aan magaalooyinka soo gaadhi karin oo aanu booqanay deegaano badan oo ay ku nool yihiin sida meelaha fog fog ee ka baxsan magaalooyinka waawayn iyo dadka lagu tacadiyo ee la yidhaahdo waa laga tiro badan yahay dumarka inbadan ayay ka cawdaan xuquuqdooda in la illaaliyona xil ayaa naga saaran,carruurtu waa mustaqbalkii dalka in xuquuqdooda la illaaliyo oo waxbarashadooda la illaaliyo. Markaa sannadkan waxaanu soo booqanay jeelasha dalka oo aanu kormeer ku soo samaynay soona derisnay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo baahiyaha ka jira ee maxaabiistu ay u baahan yihiin gobolada bariga ayaan tagnay imikana waxaanu socdaal ugu baxaynaa gobolada galbeedka,waxyaabaha nooga soo baxay waxaa ka mid ah dadka oo ku badan xabsiyada oo Jeelasha culays badani saaran yahay inkastoo cuntooyinka oo markii hore laga caban jiray imika waxay noo sheegeen in wax badan laga qabtay oo ay cuntooyin nafaqo leh ay helaan maxaabiistu oo laga daayay bariiskii iyo wixii la midka ahaa oo loogu bedelay cuntooyin isku dheeli tiran oo nafaqo leh taasoo ay maxaabiistu noo sheegeen in dhanka cuntada ay wanaagsan yihiin imika,waxaa kale oo ay noo sheegeen dad ka soo baxay jeelka weyn ee Hargeysa in fiican yihiin oo ay ka ladan yihiin idhiidhi xabsiyad qaar ka jira isla markaana ay haystaan saacado dibedda ay joogaan oo ay jilicsi sameeyaan,waxaa kale oo jira saacadaha sallaadda si wanaagsan ayay u tukadaan oo aad ayaa xilliga salaadda loo ixtiraama laakiin waxaa jira arrimo kale oo loo baahnaa in ay maxaabiistu helan oo aan wali la suura gelin oo aanu doonayno in aanu iska aragno wasaaradda caddaaladda iyo ciidanka asluubta iyo garsoorkaba oo ay ka mid yihiin in maxaabiistu ay helaan tababaradi farsamada gacanta oo la hirgeliyo waxbarashadii farsamada gacanta imika qalabkii wax lagu bari lahaa oo dhami wuu yaalla xabsiga madheera laakiin lama hirgelin sababta loo hirgelin waayayna waanu iska arkaynaa cidda ay qusayso.”

Guddoomiye Maxamed Baaruud waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda Xabsiga Berbera oo uu sheegay in uu yahay mid gaboobay isla markaana ku yaalla magaalo xeebeed kulul maxaabiistuna ku badan tahay,waxaanu soo jeediyay in duruufaha xabsiga Berbera wax laga qabto gaar ahaan maxaabiista xukunkoodu dheer yahay in loo bedelo xabsiyada Mandheera iyo Burco oo Xabsi wayn laga dhisay,waxaanu yidhi. “nolosha xabsiga weyn ee Berbera waa mid aan xamili karin maxaabiista badan eek u jirta waxaanu ku yaalla magaalo xeeb ah xilliyada xagaagana kulayl badan ayaa jira markaa kulaylkaa badan iyo maxaabiista oo ku badani dhib ayay ku yihiin xuquuqda maxaabiista markaa waxaanu soo jeedinaynaa in maxaabiista xukunkoodu dheer yahay in loo bedelo xabsiyada Madheera iyo Burco oo xabsi wayn laga dhisay si ay u kala nafisaan maxaabiistu. Waxaa jira dad kiisas madaniya u xidhnaa oo xukunkoodii dhammaaday oo u xidhan dayn lagu leeyahay laakiin waxay ahayd qofku markuu xukunkiisa dhammaysto in uu xorriyaddiisa helo,markaa ciddii wax ku lahayd ama ha u baadi doono ama mar kale ha so dacweeyaan e oo uu sharci noqdo xadhigiisu laakiin qof sannad iyo badh xdhigiisu ahaa oo intaa in lee goo kale iska xidhani sharci maaha,waxaa jira 45 qof oo xukunkoodii dhammaystay oo aanu soo aragnay oo lacag lagu lahaa laakiin waxaanu lacagtii lagu lahaa ka bixinay 9 qof oo ka mid ah intii kalena way xidhan yihiin waxaanan ku talo jirnaa iyagana in aanu raadino lacag aanu kaga bixino dayntaas oo aanu dib xorriyadooda ugu soo celno.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaaladda saldhigyada waxaa uu yidhi. “Saldhigayda waanu booqanay laba dhibaato ayaa ka jira midi waxay tahay cidhiidhiga dadka oo ka badan iyo carruurta iyo dadka waawayn oo meel ku wada xidhan iyo haweenka iyo carruurta oo aan lahayn baadheyaal u gaar ah laakiin sharciyan waxay ahayd in dambi baadheyaal u gaar ah ay yeeshaan carruurta iyo haweenku oo loo tababaro laakiin hal meel ayaa kiiskooda lagu wada baadhayaa qof ayaa wada baadhaya kiiskii carruurta iyo kiiskii haweenka iyo kiiskii dadka waawayn taaba waa in wax laga bedelo,waxaa kale oo jira dad badan oo saldhigyada ku jira oo ay ku fogaato in Maxkamad kiiskiiba ka garnaqda la hor geeyo waxaa kale oo saldhigyada ku xidhan dad xukuman oo ay ahayd in xabsiyada la geeyo markaa arrimahaas oo dhan imika si aanay cidina u waayin xuquuq ay leedahay waxyaaba aanu ka hawl galayno ayay ka mid yihiin.”

Guddoomiye Maxamed Baaruud waxaa kle oo uu ka hadlay Cilaajyada oo uu sheegay in ay nooc fawdo ah u jiraan qaarkood.waxaanu yidhi. “waxaa jira oo iyaguna wax ka qabasho u baahan Cilaajyada oo ah meelo lagu hayo dad xannuunsayanay maraad booqato eed tidhaahdo halkeed ka sharciyaysan tihiin qaarkood ayaad ku dawakhaysaa oo sidii qaab tuugo oo kale ah u jira oo aanad helaynba meel aad u raacdo markaa waxaanu wadnaa qorshe aanu ka wada hawl galayno wasaaraddaha caafimaadka,diinta iyo aw-qaafta iyo cid kasta oo ay qusayso si aynu u helno ugu horrayn meeloku habboon in ay hayn karaan dadkeena xannuunsanaya si aan xuquuqda bukaanka loogu tacadiyin oo cid aan sharci u lahayn in ay bukaan hayso aanay inoo haynin.”

Waxaa kale oo isna dhankiisa wargayska Dawan warbixinta xafiiska la wadaagay agaasimaha komishanka Xuquuqda aadamaha qaranka Cabdisamad Sacad oo ugu horrayn ka hadlay qofka soo qabashadiisa iyo dariiqyada loo marayao,waxaanu yidhi. “waxaa qeexay sharcida dalka oo dastuurka qaranku ugi horreeyo qabashada qofka waxaanu dastuurku sheegayaa in qofka faldambiyeed gacanta kula jira ciqaabtiisu gaadhayso ugu yaraan 3 sano in isla goobta lagu qaban karo iyadoo aan maxkamad la soo marin,halka qofka aan fal dambiyeed faraha aan kula jirin xadhiisuna ka yar yahay 3 sano loo marayo xadhigiisa in maxkamad laga soo xalaalaysto markaa maaha in xeerarka dalka iyo shuruucda in sida laastiigga la kala jiido oo cidiba dhan ula kacdo laakiin waxaa loo baahan yahay in maxkamadda Dastuuriga ahi ay qodobkaas iftiimiso oo ay sheegto aldambiyeedka ciqaabtiisu qodobkaa ku caddahay ka uu yahay iyo ka u baahan in waaran maxkamadeed loosoo goosto xadhigiisa. Marka laga hadlayo xuquuqda aadamaha halka aynu kaga jirno waxaan odhan karaa Somaliland meel fiican ayay kaga jirtaa guud ahaan caalamka oo dha,ma dhacayso oo dalkeena laga soo heli maayo maxbuus la jidh dilay,iyo maxbuus xidhan oo lagu qasbay qirashada dambi aanu gelin manay dhicin Somaliland intii ay jirtay wali maxbus la xidhay oo la waayay oo la yidhi dawladda ayaa xidhay oo dib looma arag,laakiin innaga dhanka cidhiidhiga biyo yaraanta iyo muddo dhaafka ayaa ugu badan arrimaha ka dhaca dhanka xuquuqda aadamaha taasna waa intaanu doonayo in aanu wax ka qabano oo aanu saxno,waxaad la socotaa in dalkeena shucuucdiisu aanay wali dhammaystirnayn oo ay jiraan xeerar badan oo wali qabyo ah kuwaasina duruufaha jira aya ka mid yihiin iyadoo Somaliland ay tahay dalka keliya ee barigaafrikaku yaalla ee cid kastaaba ay furan karto urur xuquuqda aadamah ka shaqeeya haddii ay shuruudaha looga baahan yahay ee sharci ay buuxiso,waxaad la socotaa in Somaliland intaas oo urur oo maxali ahi ay ka hadlaan xuquuqda aadamaha oo kuwo caalami ahi ay ka hadlayaan iyadoo aanay ka suura geli karin dalal badan oo aynu dersi nahay iyo guud ahaan qaaradaba afriba taasina waxay muujinaysaa sida Somaliland ay u tahay dal illaaliyay xuquuqda aadamaha.”

Agaasimaha oo ka hadlayay dadka dilalka hore geystay ee dilka qisaasta ah ku xukuman ee xabsiyada ku jira,ayaa yidhi. “maanta waxaa xabsiyada dalka ku jira dad badan oo dilal geystay oo muddo badan xidhan dadkaa qaar baa xannuuno nafsi ahi ay ku dheceen marki la fulin waayay qisaastii ay ku xukunaayeen waxaanay culays ku yihiin xabiyada waxaa kale oo ay culays ku yihiin qaranka waxbana kama jiraan wararka la isla djhex maro ee la yidhi lacag ayaa la siinayaa oo waa la biiliyaa haddaad soo aragtaan dadkaa dillalka ku xumumani nolosha ay ku nool yihiin waad ka arga gaxaysaan qof dilku xuman oo habeen iyo maalinba isla hadlaya oo werwersan ayaa inoo xidhan markaa waxay ahayd intii laha heshiiyay ee reeruhu dhammaysteen mooyaane inta kale ee la mariyay jaranjarooyinkii sharci ee qisaas sugeyaasha ah inla qisaaso iyagana sidaas ayaa u wanaagsan innagana sidaas ayaa inoo wanaagsa oo ALLE ayaa inna faray qisaasta oo inoo caddeeyay in nololo innoogu jirto.markaa waxaaan u soo jeedinaynaa Xukuumadda in tallaabadaa la fuliyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply