Kalluun Yaraan Soo Foodsaartay Magaalada Berbera ee Xarunta Saaxil

0
510

Hargeysa (Dawan)- Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa saddexdii maalmood ee u dambeeyey laga dareemeyey kalluun yaraan xoog leh oo soo food saartay. waxaana xidhan meheradihii waaweynaa ee kalluunka lagu soo dajin jiray ee loo yaqaanay processor-ka, kuwaas oo qaybo ka mid ah gobolada Somaliland u kala diri jiray kalluunka.

Dhinaca kale waxa xidhan goobihii iyo meheradihii lagu shiili jiray kalluunka oo ay isticmaali jireen dadka ku dhaqan magaalada Berbera, waxaana inta badan la iska dhigay doonyihii keeni jiray kalluunka oo buux dhaafay dekedda Berbera, sida uu ii xaqiijiyey Wariye Sadiiq Carab oo ka tirsan hawl-wadeenada HCTV.

kalluun yaraantay soo food saartay magaalada Berbera ayaa waxa ay sabab u noqotay inuu kordho qiimaha lagu iibiyo kalluunka ee ay magaalada soo galiyaan midhadh doonyo ah oo kalluun tiro yar sida.

kalluumaysatada Berbera ayaa sheegay in kalluun yaraanta Magaalada ay sabab u tahaay maadaama oo lagu jiro xilligii ay ka dhici jireen Badda dabaylaha xagaagu in dabayshaasi ay sabab u tahay Kalluun yaraanta, sidaa darteedna aan badda la gali karyan. Waxaanay xuseen in wakhti xaadirkan Kiilooga Kalluunka ahi uu magaalada Berbera ka marayo SLSH20,000. Halka uu markii hore ka ahaa SLSH 15.000

“Imika dabayl xagaa ayaa dhacaysa dabayshaa darted ayuu kalluunkii fogaaday , goobihii lagu qali jiray kalluun ma yaalo sidaa darteed ayuu kalluunkii qaali u noqday , waxa la dhigay laashashka intii badnayd waayo dabaylaha dhacaaya ma samaxayaan in badda hore loo galo” ayuu ka yidhi mid ka mid dadka ka ganacsada kalluunka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply